[Akhriso ]:- Faa’idooyin Mihiim Ah Oo Adeega Lacag Isku Bedelka Ee Zaad-ku U Leeyahay Bulshada Somaliland .

0
139

Hargeysa (Arooryomedia):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay dhawaan soo saartey go,aamo lagu xadidaayo lacagta lagu isticmaalyo adeegyada Zaad iyo E-Dahab ,taas oo ah in waxii ka yar 100 Dollar aan lagu isticmaali karin .

Shirkada Telesom oo ka duuleysa baahida Bulshadeeda ay u adeegto ayaa waxaa ay SameysaySystem Ama Adeeg bulshadeeda Faa,ido badan u leh kaas oo ah in lacagta Doller-ka ee ka yar $ 100 ee ugu jirta Mobile-dooda ay u bedelan karaan Shiling Somaliland , taas oo ay dadka qaar u fasirteen in Shirkadu Sarifle ay noqote balse aan xaqiiqdii sidaas aheyn .

Sidoo kale waxaa xusid mudan in adeegan lacag isku bedelku kaliyaata uu awood u leeyahay in qofkii Haysa Lacag Dollar ah oo ka yar $100 uu Shiling Somaliland u bedesho , balse Adeegani awood uma laha in qofkii Haysta Lacagta Shilin Somaliland aanu Dollar U Bedeli karin.

Faa’idooyinka Uu Adegani Bulshada U Leeyahay

1. Waxaa Dhici karta in Qof Mobile-kiisa ay ugu jirto lacag ka yar $100 ,kaas oo aan Joogin meel magaalo ah oo uu kala bixi karo , waxaana uu adeegani u saamaxayaa in lacagtiisa u bedelan karo Shiling Somaliland Sidaas-naku isticmaali karo

2. Waxaa dhici karta in qof Safar ku jira uu u baahado lacagtiisa ugu jirta Telefoonkiisa oo ka yar $100 taas aanu kala bixi karin , balse adeegan ayaa awood u siinaya in uu lacagtiisa Shiling Somaliland u bedelan Karo

Arooryomedia/Hargeysa Office

Info@arooryomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.