[Akhriso ]:-Wax Ka Ogow Arimaha Lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland + [ Sawiro ]

0
24

Hargeysa (Arooryomedia):- Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirraddabJamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

 

Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.

 

Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.

Image may contain: 1 person, sitting

Arooryomedia/Hargeysa Office
info@arooryomedia.com
arooryomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.