Al-Shabaab Oo Yeelatey Hogaamiye Cusub .

0
379

Mahad Karataay oo ahaa  hoggaamiyaha qeybta Sirdoonka kooxda Shabab ee Amniyat-ka loo yaqaano ayaa caawa noqday  hogaanka kooxda alshabaab ee cusub kadib markii caawa fiidkii uu dhintay hogaamiyihii kooxda Alshabaab Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo waqti dheer xanuun sanaa isla markaana uu haleelay Cudurka Canser-ka caloosha haleela.

Golaha shuurada oo qaabilsan go’aan ka gaarista cidda qabaneysa hoggaanka kooxda alshabaab  ayaa ka kooban sideed xubnood waxaana maalmahan u socday shirar isdaba jooga markey geerida hogaanka xaqiiq sadeenna waxay sameeyeen Doorasho deg deg ah wuxuu mahad karatee ku soo baxay shan cod.

Sadex cod waxaa helay  Macallin Cusman oo ah  hoggaamiyaha ciidamada lugta ee kooxda alshabaab labadaan nin waqti dheer waxaa ka dhaxeeyey fikir kala duwanaansho ah marka loo eego  hawlgalinta dhalin yarada alshabaab.

Hogaamiyaha  cusub ee Al shabaab wuxuu noqonaya hogaamiye laga diido hogaankiisa   Goblada shebeelooyinka iyo Jubooyinka.

Al shabaab ayaa waxa ay hadda wajahayaan dhibaatooyinkii ugu adkaa iyagoo kala qeybsan waxaana sidoo kale ku socda duulaan xoog leh oo Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda caalamiga ah ku hayaan sida duqeymaha diyaaradaha Mareykanka iyo howlgallada Military ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM isku baheysteen.

Gobalda Bay iyo Bakool waxaa kal hore  gacanta ku dhigay hogaamiyaha Dawlada Faderaalka wada hadalada kula jira  Muqtaar Robow .

Kooxda ee Gobalka Gedo  joogta waa firqo doonaysa inay isku badasho Daacish hadii waqtigu u saamaxo.

Hogaamiyaha cusub ee Mahad Karataay  marna suurta uma noqon doonto  inuu sii joogo Gobalada Koonfurta Soomaaliya waa inuu u soo guura dhulka Gobalada dhexe gaar ahaan dhulka u dhow bada weynta Hindiya.

Ilaa sanadkii 2014 kooxda alshabaab waxaa ku socda dagaal u diiday in xera samaystaan sidii magaalada Baraawe looga Qaxiyey iyaga  dhexdoodana dagaal ayaa ka jiray dhowr hogaamiyeyaal iyo saraakiil sar sare ayeey iska dileen.

Warkan waxaa  laga helay hay’adaha reer Galbeedka ee ladagaalama kooxaha Argagixisada ee Alshabaab iyo Daacish.
Xigasho-Somalimc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.