Aqoon Yahan Mise Reer Yahan?

0
148

Waxa muhiim ah markasta nololsha iyo xaalada aad ku dhex nooshay inaad qiimayn ku samayso adiga oo u eegaya marxalada iyo micnaha dhabta ah ee ay muujinayso  isla markaana ka qaadanaya cabir iyo dareen buuxa oo ku dhaxal siiya maxsuulka dhabta ah ee ka dhex jira , adigoo ku eegaya aragti fog oo dhamaystiran isla markaana ka madhan ku xad gudubka damiirka iyo dadnimad bulshadaada , waxase waajib ku saran ah tilmaanta iyo toosinta wax kastoo u baahan in la saxo adiga oo u maraya habka ugu haboon ee wax loo tilmaamo.
Ujeedka hadalkaygu waa ciwaanka kor ku xusan in aan ka hadlo argti ahaantayda waayo wax aynu ka wada dheregsan nahay maanta in ay dhegaheena ka bateen labad erey ee ah “Reer” iyo “Aqoon yahan”Aqoontu waxay muhiim u tahay qofka Naaftiisa,kadibna dalkiisa iyo ama dadka uu ku dhex noolyahay waayo aqoontu waxay bedeshaa qofka sidoo kale waxa hubaal ah in hadii ay qofka bedesho in ay qarankiisana isbedelkaasi uga muuqan doono si togan.
Aqoontu waa iftiinka lagu arko ee lagaga baydho xumaanta iyo in aad wax aanad xaq u lahayn ku qaadato xaq daro, aqoontu waxay ku tustaa miisaanka masuuliyada ku saaran iyo micnaha nolosha  dhabta ah ee ka danbaysa, oo ay si wayn kuugu sharaxdo, aqoonta dhabta ahi waa mida kaa dhigta qof la dareen ah bulshadiisa si guud.

Waxaynu badanaa amaah uga dhigtnaa ereyga aqoon yahan dad aan ehel u ahayn aqoonta laakin huwada magaca,taas oo gef iyo meel ka dhac toos ah ku ah aqoonta iyo asluubta ay leedahay, taasi waxay sabab u noqotay in ay dad badan oo ila mid ah suaashan is waydiiyaan iyagoo kala garan la’  muhiimada ay leedahay in aad qof bilaa aqoon ah ama aan waxba baran in loogu yeedho aqoon yahan halkii loogu yeedhi lahaa magaciisa dhabta ah! .
Isku soo duuboo  waxaynu odhan karnaa dadka qaar waxay awooda saareen inay wax bartaan oo naftooda iyo qarankoodaba aqoon ku soo biiriyaan oo dedaal habeen iyo maalinba ah u galaan sidii ay wax u baran lahaayeen iyagoo ku bixiyay waqti iyo maal iyo maskaxba , halka dadka qaarna wakhti iyo dedaal ku bixiyeen kala barashad Reeraha ama qabailka iyo kala guridooda iyo ukala abtirintooda.
Nasiib daro waxa maanta magac wayn ku leh bulshada ninka qabyaaliga ah ee meel iska dhigay tirada reeraha iyo qabiilkooda iyo halkay degaan , halka ninka aqoonta leh ee ka sheekeeya wax qabadka iyo horumarka , cadaalada iyo in musuq maasuq lala  dagaalamo loo yaqaano nacas aan waxba cuni Karin oo nin jileec ah.
Waxa taa ka sii daran ninkii qabyaaliga ahaa wuxuu maanta halgan iyo xusul duub ugu jiraa in uu la wareego magac Aqoon yahan oo fagaarayaasha iyo goobaha lagu kulmo raba in loogu yeedho : aqoon yahan hebel /heblaayo si uu si dhib yar oo bilaa tacab ah ugu dhaxlo shaadhka aqoonyahan nimada.

Waxaynu u baahanahay qiimayn dhab ah oo qof walba xaqiisa siisa iyo meeqaamka uu mudan yahay si loo helo bulsho isu dheeli tiran oo kala taqaan aqoon yahankeeda iyo Reeryahankeeda , waayo danteena ayaa ku jirta in aynu aqoonta qiimo u yeelo , aqoonta ayaa horumar lagu gaadhaa iyadaa himiladaada iyo hiigsigaaga halkii aad u mari lahayd si dhib yar kuu tusta oo ku hagta.

                   WQ: Keyse Abdilahi  Yuusuf (dhisaaye)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here