(AROORYO MEDIA):- Dad Somaliya oo dil iyo dhaawac loogu gaystay dalka Canada

0
42

Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa xaqiijiyay in Magaalada Toronto ee dalkaasi Canada xalay lagu dilay , laguna dhaawacay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Kooxo hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaari saarnaa, waxaana halkaasi ku dhintay wiil Soomaali ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay mid kale.

Ciidamada Booliska  ayaa sheegay in falkaasi  lagu dhaawacay dhalinyaro kale oo aan Soomaali aheyn, sida Saraakiil Booliska ka tirsan ay sheegeen.

Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano ku aadan sababtii keentay dilka iyo dhaawaca loogu gaystay dhalinyaradda Soomaaliyeed Magaalada Toronto.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay jiraan dad lagu tuhmaayo falkaasi oo ay gacanta ku dhigeen, baarisna ay ku socoto.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa sanadihii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalooyinka dalka Canada, waxaana jira in dilkaasi ay gaysteen kooxo Gaangiistaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here