(AROORYO MEDIA):- Dalalka Mareykanka iyo Canada Ayaa ku baaqay in la dhaqangaliyo cunaqabataynta k/Wuqooyi

0
40
Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionWasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland

Labaatan dal oo ay horkacayaan Canada iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in si adag loo dhaqangaliyo cunaqabataynta ka dhanka ah Kuuriyada Wuqooyi.

Wasiirka arrimaha dibadda Canada Chrystia Freeland, oo marti galisay shirkan oo ka dhacay Vancouver, ayaa sheegtay in aysan iska indha tiri Karin iyada oo khatarta Niyukleerka Kuuriya Wuqooyi ay sii kordhayso.

Dhigeeda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaa sheegay in ay muhim tahay in wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay si buuxda u dhaqan galiyaan cunaqabataynta gaar ahaan Shiinaha iyo Ruushka.

Kulankani kama qaybgalin madaxda wadamada Ruushka Iyo Shiinaha.

Dhanka kale saraakiil ka kala socota labada Kuuriya ayaa waxay kulan ku yeesheen xudduuda militariga ka caagan .

Labada dhinac waxa ay wadahadalo dheeraad ah ka yeesheen sidii Kuuriyada Waqooyi ciyaartooy ka socota uga qayb gali lahaayeen ciyaaraha xilliga qaboobaha ee lagu qaban doono Kuuriya Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.