(AROORYO MEDIA):-DALKA UK OO UU KA DILAACEY CUDURKA JADEECADU

0
36
Lahaanshaha sawirkaSPL
Image captionAstaamaha waxaa ka mid ah sanka oo uu duuf kaa qulqulo, hindhiso, qifac( riiraxyo) indhaha oo gaduuta, iyo jirka oo ay nabaro kasoo daataan.

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in dalkaas uu ka dilaacay cudurka jadeecdaha, waxaana laga xaqiijiyay illaa shan meelood , tirakoobkana waxa uu gaaraya 120 qof dadka uu soo ritey.

Meelaha laga soo sheegay cudurka ayaa waxaa ka mid ah West Yorkshire, Cheshire, Liverpool, West Midlands, Surrey iyo Manchester.

Waxaa jira talaal loogu talogalay dadka cudurkaas uu soo ritey, waxaana bulshada lagula taliyay in ay carrurahooda talaalaan.

Halista waxa ay kusii badantahay dadka aanan talaalka qabin ee u safraya dalalka Romania iyo Talyaanida oo cudurka uu ka dilaacay.

Ilmaha jira 18 sano iyo dadka waaweyn ee aanan horey u qaadan talaalka ayaa lagula taliyay in ay qaataan talaal ka dabo tag oo cudurka looga hortagi karo.

Jadeecadaha waa cudur faafa, la kala qaada, dhibkiisu badanyahay, marar dhif iyo naadir ahna loo geeriyoon karo.

Astaamaha waxaa ka mid ah sanka oo uu duuf kaa qulqulo, hindhiso, qifac (riiraxyo) indhaha oo gaduuta, iyo jirka oo ay nabaro kasoo daataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.