(AROORYO MEDIA):- QARAX SABABEY DHIMASHO IYO DHAAWAC AYAA KA DHACAY KABUL .

0
59
 qaraxa ka dhacay ayaa waxaa la arkayay qiiq ka baxaya

In ka badan 70 qof ayaa ku dhaawacantay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay bartamaha caasimada Afqanistaan ee Kabul, sida ay saraakiisha dalkaasi sheegeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay dhismihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda , waxaa sidoo kale goobtaasi ku dhaw xafiisyada ururka midowga Yurub.

Waxaa la arkayay qiiqa ka baxayay goobta uu qaraxa ka dhacay

Mid ka mid ah wakaaladaha wararka ayaa ku warantay in dhowr qof ay ku dhinteen weerarkan.

Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka maanta ka dhacay magaalada Kabul.

Toddobaad ka hor kooxda Taaliban ayaa weerar ay ku qaadeen Huteel ku yaalla Kabul waxa ay ku dileen 22 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.