Askar Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala eegtay

0
55

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Ceelwaaq iyo Mandhera, qarax khasaare gaystay ayaa lala eegtay ciidamada Kenya.

Qaraxan oo maanta barqadii ciidamada Kenya lagula eegtay duleedka Degmada Ceelwaaq, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamada Kenya.

Gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya ayuu qabsaday qaraxaan, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan oo ciidamada Kenya soo gaaray.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay sheegeen inay dileen afar askari oo ciidamada Kenya ah, halka sidoo kale ay sheegteen inay qaraxaasi ku dhaawaceen todobo askari.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Ceelwaaq iyo mandhera ee dalka Kenya.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee aagga Mandhera kama aysan hadlin wali qaraxaan miinada ah ee maanta ciidanka looga dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here