Baro oo naf ku badbaadi habka CPR: Gargaarka Degdegga

0
77

Maxaad samayn lahay hadaad soo dul istaagto qof dhulka yaala ama aad la kulanto qof si lama filaan ah joogga ama istaagga uga dhacay! Ma ogtahay inuu jiro jaanis aad ku badbaadin karto naf, taasoo ah abaalka ugu weyn ee aad qof u gasho. Mase loo baahan yahay in qof walba la baro habka CPR si ay bulshada uga qayb qaadato badbaadinta dadka u baahan ee uu weeraro wadna istaaggu.

Wadnahu waa xubin jirka u qaabilsan inuu u diro dhiiga leh ogsijiinta, si qaybaha kala duwan ee jirku ay u helaan xadi ku filan oo ogsijiin ah una joogteeyaan shaqadooda iyo noloshoodaba. Unugyada jirku waa kuwo u baahan ogsijiin kaasoo laga helo dhiiga qulqulaya ee uu wadnuhu u dirayo, wadnuhu waa mashiin muhiim ah oo aan la’aantiis la noolaan karayn. Xubnaha jirka ayaa u baahan xadi kala duwan oo ogsijiin ah waxaana ugu badan maskaxda taasoo qaadata boqolkiiba labaatan ogsijiinta, waana muhiim in la joogteeyo garaaca ama shaqada wadnaha si looga dhabeeyo baahi tirka ogsijiinta ee maskaxda. Hadii aysan helin heer ogsijiin ku filan unugyada maskaxdu waa kuwo u sahlan inay si dhaqso ah ku dhintaan. Wadnaha oo istaaga waa xaalad khatar ah oo keenaysa in uu qofku u dhinto, waxaase jira jaanis qofka lagu badbaadin karo waqti xadidan. Waxaa dhacda in wadnuhu uusan si fiican u shaqaynayn oo si tartiib tartiib ah u joojinayo shaqada waana mid sidoo kalena uu ogsajiin xadi yari uu gaarayo maskaxda, xiligaan waa mid ku haboon in la qaado tallaabo geesinimo ah iyadoo la adeegsanayo habka CPR.

Qofka uu halleelo wadna istaagu malahan wax dhaqdhaqaaq ah, ma ahan qof jawaab celin kara, mana neefsan karo. Hadii aad la kalunto waxaa lagaaga baahanyahay inaad raacdo habkaan oo ah jaanis aad ku badbaadin karto qofkaas, adigoo iska ilaalinaya argagax iyo khalkhal waayo waxuu khalkhalku ama argagaxu kaa hor istaagi karaa badbaadinta qofka.

U yeer oo caawimaad weydii qofka kuugu dhaw, si uu ula xiriiro xuramaha caafimaad ama uu u dalbo ambalaas, si gurmad degdeg ah loogu sameeyo qofka, haku dhumin waqti sababtoo ah waqti badan ma uu haysto qofka wadnuhu istaaggo Tijaabi inuu qofku jawaabi karo adoo lahadlaya, taabo xididka xawl mareedka si aad u ogaato inuu habka wareegu dhiigu uu shaqaynayo, ama waxaad taaban kartaa xidida gacmaha gaar ahaan kuwa xiga suulka gacanta ee ku yaala kalagoyska gacanta waxaadna sidoo kale ogaan kartaa hadii uu wadnuhu wali dhaqdhaqaqayo oo uu dhiig dirayo iyo inuu istaagay.
Bannee xabadka qofka adoo ka faydaya marada, isku dulsaar gacmahaaga sida sida sawirka hoose ka muuqata, saar inta u dhaxaysa laba ibood  ee naasaha, gacmahaagu lagasoo bilaabo halka ay ka galaan kalagoyska garabaha ilaa galagoyska calaacalahu waa inay noqdaan kuwo toosan oo aan qaloocnayn, kadibna bilow inaad hoos u riixdo xabadka adoo ogolaanaya inuu kusoo noqdo booskiisa caadiga, wad sidaan ilaa 30 jeer (daqiiqadiiba 100 jeer ayaa loo baahanyahay in la sameeyo sidaan), kadib dhagta u dhawee sanka iyo afka qofka si aad u ogaato inuu neefsanayo iyo inkale.Toosi qoorta ama luqunta qofka adoo u furaya hawo mareenka., hadii ay jiraan wax xiraya afka ama sanka qofka kasoo saar. Qaado hawo kugu filan kadibna afka-afka u gali qofka adoo ku afuufaya hawada, samee sidaan laba jeer oo isku xigta. Halkeedii ka bilow riixida xabadka adoo samaynaya 30 jeer, mar walbana xasuusnow inaad u ogolaato xabadku inuu kusoo laabto booskiisa riixida ka dib, sidoo kale halkeeda kasii wad neefsiinta qofka. Habkaan waa mid wareeg ah oo isku xiran una baahan in sida uu yahay loo raaco, ogow waqtiga aad haysato maahan mid kugu filan waxaa muhiim inaad uga faaidaysato sida uu yahay. Wad habkaan ilaa aad ka helayso gurmad ama gaargaar degdeg ah oo kusoo gaara, waxaana dhacda inuu qofku bilaabo neefsasho uuna soo noqdo habka wareegga ee dhiigiisu.

Habkaan ayaa ah fursad muhiim ah oo loo baahanyahay inay bartaan dhamaan bulshadu maadaama lagu badbaadin karo qof uu haleeley wadna istaag.

Hadii aad ka faham tay habkaan, la wadaag asxaabtaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here