Booliska Itoobiya Ayaa Qabtey Hub Fara Badan.

0
22

Booliska dalka Itoobiya ayaa soo bandhigay Hub fara badan oo sharci darro lagu gelinaayay gudaha dalka Itoobiya sida ay sheegeen laamaha amniga dalkaas.

Hubkan oo ay Booliska ku sheegeen 350 Bastooladood ayaa waxaa ay ku qabteen tuulada Awrora village, Degmada Tsegedie woreda ee Gobolka Ismaamulka Tigray .

Kabtan Eshete Awoke oo ah madaxa ciidanka ammaanka ee Gobolka ayaa sheegay in Hubkan qabashadiisa ay suuragelisay iskaashi dhexmaray Ciidamada Gobolka iyo kuwa Difaaca Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Booliska ay xireen wadaha Gaari Isuzu oo uu hubka saarnaa iyo dad uusan tiradooda sheegin oo caawiyayaasha darawalka ahaa.

Booliska waxa ay sheegeen inay wareysi iyo baaris ay ku wadaan dadka ay qabteen si sharciga loo horgeeyo kadibna tillaabo looga qaado.

Dalka Itoobiya ammaankiisa ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Booliska la geliyay heegan buuxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.