PUTLAND OO KA SOO HORJEESATEY GO`AAMADI KA SOO BAXAY BAARLAMANKA SOOMAALIYAEE LAGU CAYDHINAAYEY SHIRKADA DP-WORLD.

0
475

Bossasso-(Arooryomedia)-Wasiirka Dekedaha maamul gobolleedka Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in in aanay Puntland Waxba ka quseyn go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay shaqada dalkaasi kaga mamnuuceen Shirkadda DP-World.

Maamulka Dekeda Boosaaso ay gacanta ku heyso Shirkadda P&O oo hoos tagga DP World ayaa sheegay in kaliya amarkaan uu ku eg yahay shirkadda DP World.

Siciid Maxamed Raage oo ku sugan Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada Shirkadda Maamusha Dekeda Boosaaso ee P&O.

“Xeerkani ma saameynayo Puntland, waxa uu saameynayaa Somaliland oo heshiis kula jirto shirkadda DP World, balse Puntland waxa ay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraatka Carabta” ayuu yidhi Wasiirka Dekeda Puntland.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay go’aan ka dhanka ah Shirkadda Caalamiga Dekeda ee Dubai (DP-World) kaga mamnuucay in Soomaaliya ay ka howlgasho.

Shirkadda P&O oo hoos tagga Shirkadda DP-World ayaa maamusha Marsada Boosaaso.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.