Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho

0
44

Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa qarax miino lagula eegtay meel ku dhaw isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ay wateen ciidamada AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dhacdo.com u sheegeen in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay rideen rasaas fara badan.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dha ta ah ee ka dhashay qaraxan lala bartilmaameedsaday ciidankan.

Waxaa la soo sheegayaa in hada uu dib furmay isu socodka gaadiidka wadadaasi oo xirmay markii uu qaraxa dhacay.

Inta badan wadadan ayaa waxaa qaraxyada miinooyinka lagula eegtaa ciidanka AMISOM, iyada oo qaraxyada ay halkaasi ku aasaan Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.