Ciidamo Ka Tirsan Kenya Oo Lagu Diley Qarax Gaadhi…

0
157

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Kenya ayaa shalay gelinkii dambe waxaa qarax  lagula eegtay duleedka magaalada Wajer ee Gobolka Waqooyi Bari.

Qaraxa miinada oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday mid ka mid ah kolonyadii ay la socdeen ciidanka Kenya, taasoo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Booliska Kenya oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in qaraxaas looga dilay 8 askari, isagoo tilmaamay in weerarkaas ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in ciidamada qaraxa lala beegsaday ay ku guda jireen howlo roondo ah, oo ka mid ah howlaha lagu sugayo ammaanka.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen ku sheegeen in weerarkaas ku dileen illaa 15 askari, isla markaana ay ku gubeen gaari kuwa ciidanka qaada.

Bishii hore ayay aheyd markii qarax miino ay la beegsadeen ciidamo roondeynayay agagaarka magaalada Liboi ee ku dhow xadka Soomaaliya, halkaasoo askar dhowr ah lagu dilay.

Kenya ayaa tan iyo bishii Ramadaan ku guda jirtay feejignaan sare oo la xiriira weeraro uga yimaada Al-Shabaab, iyadoo heegan la geliyay ciidamada ku sugnaa Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.