Dalalka Canada,Mareykanka Iyo Mexico Ayaa Si Wada Jira U Marti Gelinaaya Koobka Aduunka Ee 2026.

0
79

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico ayaa si wadajir ah u marti gelinaya Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.

Cod bixinta loo sameeyay saddexdan dal oo la isku yiraahdo Waqooyiga Ameerika iyo Morocco ayaa ugu dambeyn 134 dal waxay u codeeyeen saddexdan dal, halka Morocco ay heshay 65.

Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii u horeysay ka qeyb galaya 48 dal, halka iminka ay ka qeyb galayaan 32 dal.

Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee Carbeed ee Koob Adduun lagu qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here