Dameerta Yari Isku Halayn, Bay Hooyadeed Dabadda Uga Nuugaysaa ( Abdi-Shotaly)!

0
35
Dameerta Yari Isku Halayn, Bay Hooyadeed Dabadda Uga Nuugaysaa ( Abdi-Shotaly)!
Weel waliba waxa ku jira buu dhididaa, bay hore somalidu ugu maah-maahday, taas oo uu micna-heedu yahay, qof kastaa isaga baa isi sheega wuxu yahay, iyadda oo meel kale-ba aan looga iman, si wacana af-caashiisaa u muujisa, shar iyo khayr kuu leeyahay-ba, markaas baa la ogaadaa inta uu qodan yahay iyo shakhsini-madiisa dadnimo, isagaana is kashifa, taariikh-diisana waxa u soo bandhiga, oo si la yaab leh u sharaxa hadala-diisa, bilaa salka iyo iska dheh uun uu la sare kaco, si loo yidhaaho hebel baa wax yidhi, micna kale ma laha ee waxay ka tahay waan hadalay, ka bacdi isaga oo is-tafa-tiraya buu debedda is keenaa, ilayn is qarin kari-maayo, oo nafiisa baa ka waran-taye. 
 
Hooyadaa nin liitaw haaka kuma tidhaahee, habaar iyo qamuunyey had iyo jeer la joogtaaye, Bal Ilaahay baan idinku dhaariye, kii dhaqan bi’iska ahaa,  ee haweenka u kala tirinaayey, baa askariggii daraad ku sheegay ” Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka” Saw duni aakhir-sabaan iyo wax ka sii daran maaha. Ma kaas baa dhaqan wax ka yaqaan, waxan odhan lahaa orod caaga-daaddii ku noqoqn, lagaa soo dul kiciyey iyo Dalkii Canada. Xikmad carbeed baa waxay tidhaahaa ” Laa takhaalif Acmaalal nafsika, bi-lisaanan khaaliya” , taas oo micna-heedu noqonaayo af somaliga ” Ha kaga hor iman falalka ay naf-taadu  samayso ama ku kacdo, carrab madhan”  si kale hadaan u fasiro, waxa la odhan karaa, naf-taadu waxay tahay, carrab been ah iyo dhalan-teed, isu eekay-siin iyo in aad is tidhaaho indho-sarcaad u dhig dadkii ku yaqaanay. wax-ba kaama bedelaan ama wax kuuma taraan, ee kaad ahayd uun baad tahay, si kaste oo aad isu yeel-yeesho. Ujeedo iyo haatan markaan hoos u dhaadhaco, ee aan gunta soo taabto biyo dhacayga, oo ah halka aan u socdo, akhristaw halkan hoose ka akhri.
 
Dameertu yari baa hore loo yidhi, isku halayn bay hooyadeed, dabadda uga nuug-taaye, edeb daroo-yinka uu shakh-sigan la yidhaaho Guri-sadheeye ama Hablo caaye, kula kacaayo Haweenka iyo war-baahinta, waxa ugu shudhaa-qinayaa waa asakriga oo ah inaadeerkii, waayo isaga laf-tiisa baan wax-ba dhaamin,  muxuu ku soo kordhin karaa-ba haday isku aqoon yihiin. Abuurta illaahay bani’aadamku ma doorin karo, haduu mudo is nasakho-na aakhirka way ku soo baxdaa, oo wuxu is arkaa isaga oo kiisii uun ah, ilayn hore, baa looga maah-maahay, oo la yidhi “Waano dhalan baa ka adag ” waa sidaase muwaadin si kastoo aad isu tidhaaho, ruux liita naas nuujin iyo dhadhabid ku samee, kool-kooli oo yaan laga garan ama ded nuqsaan-tiisa, qof aan caadi ahayn, oo aad si kaste malab u mar-mariso, nooca dheemanta ugu qaalisan iyo dahab caydhin aad ka lusho, waa habeenkii xalay, in waxa aad tahay bedesho oo sawir kale isu yeesho.  waxan ku soo dabray, war waliba awrkii dhaluu aarankii yahay, dhaqan xumidda waxa kuugu wacan, kii kuu yeedhay, ee kaa soo dul kaxeeyey quraadaddii.
  • N.B Hoyadaa Nin Liitaw Haakah Kuma tidhaaho.
  • Qore:- Abdi-Shotaly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.