Dani iyo Dardaaran kaygii Puntland.

0
126

Qorshe iyo Qiimayn , Loolan iyo laab-lakac , Lacag iyo Laaluush , Soojeed iyo Saamalayl , Qoondo iyo Qolo Sheegasho , Faan iyo Faataa-dhug , Han iyo Himilo , Ducco iyo Dardaaran , Safar iyo Socdaal dheer oo ay kasinaayeen dhammaan Murashaxiintu kadib waxaa fuulay Faraskii Madaxtinimada Puntland Mudanihii Qaddarka iyo Qalinka rabbi u Qoray ee Siciid C.laahi Dani ,

Mudane Madaxweyne Marka horeba iga gudoon Bariido , Bogaadin , Ballan , iyo Barako-Ducco oo aan kaaga soo diray Beertii Aqoontiyo , Bartii Diintu taaliyo , Baladkii Barwaaqada , iyo Burco Baalaheedii , Allaylehe inbadan baa lagu baafiyay boowee puntland kay kubadhaadhiyo Baxsanaw soo dhawaw ,

Marka labaad hall’ eray oo dhaan-wade aan ku idhaahdee dhaayaha iyo dhagahaba iifur , Madaxweyne Xoog , Xoolo , Xiniinyo , iyo Xeelad aad dheertahay Xubnaha kalee Xer-taada ahaa kumaad Xantoobsan Xilkan Madaxtinimo ee laguu xullay , Inkastoo Farsamo iyo Farda-jaanba ay jireen hadana waxay ahayd Xukun rabbi iyo Xariiq Qalin oo ku Xardhanaa lawxul-maxfuudkee ugu xamdi Xakiimkoo kaliyaata ,

Madaxweyne Waxaa Farxad iyo Faan-ba ah inaad Far-carabi , Fikir islaami ah iyo Faralka Salaadu ay foolaadka iyo Furaha guusha kuu tahay sidaan maqlaye ku fara adayg fitnadu way badantee , Dhinaca kale Mudane ka feejignaw faragalinta , fawdada fad-qalalada , iyo fariimaha Qaloocan ee lasoo faray fulayda kala fogaynaayo faraha Ummadda Soomaaliyeed ,

Madaxweyne nin Hooyo dhashay hall’ maseegi waayine samayso lataliye iyo Saaxiibo wanaagsan oo kula Qorsheeya samaha iyo sida suuban , Saaxiibka Xunna waa Saymo , Sixir , Sakal iyo Surin Cidhiidhyoone iska jir , Sawiradii Saxaafadu soo bandhigtay ee lataliyhii ugu xumaa sanadka Faarax C.Qaadir iyo Siyaasigii ugu Qaska iyo Qaylada badnaa Sanadka ee C.raxmaan C.Shakuur ay dhegta wax kuu saarayeen Bulshadu may jeclaysan , Saadaal kale oo aan wacnayna way ka bixiyeene halkaana inaga sax Madaxweyne ,

Madaxweyne Dadka iyo Dalkaba muddo badan ayaad dhex joogtay , wax badana waad ogtahay , wax badana waa laguu sheegay , wax badana waad balan qaadaye Hammigaagu hanoqdo Horumar , Higsigaagu hanoqdo Nabad , Hankaaguna hanoqdo Hal-saff oo Calan iyo Cadaalad hoos jooga ,

Madaxweyne waraysigii ugu horeeyay ee BBC-da laanta Afsoomaaliga aad siisay Qoonsimaad iyo Qardoofooyin badan ayaa ka muuqdaye Daganaan iyo Dulqaad muuji , ogwna Puntland waa Soomaaliya , Soomaaliyana Waa Puntland , waxa Umusha udana ayaa Ilmahana udana , Dalka iyo Dadkuna uma baahna Dagaal Diimeed , mid Dawladeed iyo mid Daris toona , taa badalkeeda waxaa loo baahanyahay Diin , Dood , Deeq , Dabacsanaan , Dawladnimo , Daww , Dastuur , Daacadnimo , iyo Dareen Shacab in wax lagu Daweeyo ,

Sharmaarke Wacays

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.