Dawlada Turkiga Oo Xooshineysa Xidhiidhka Ganacsi Ay La Leedahay Afrika

0
28

Kulan laga arrinsanayo xiriirka ganacsiga Turkiga iyo Waddamada Africa ka dhaxeeya ayaa lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.

Kulankan oo sanadla ah oo laba maalmood magaalada Istanbul ka socday waxaa soo qaban qaabisay hay’ad Turkiga laga leeyahay oo u qaabilsan horumarinta ganasiga Turkiga iyo isku xirka ganacsiga Turkiga iyo caalamka oo loo yaqaanno TFERB.

Madaxa shirkadda Mr Olbek oo furitaanka kulankaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay “ujeeddada shirka iney tahay inuu Turkiga sii ballaadhiyo Xiriirka ganacsiga uu la leeyahay waddamada Afrika iyada oo isdhaafsiga ganacasiga labada dhinac uu hadda marayo 2.1% oo keli ah.”

Wuxuuna Mr Olbek intaa ku daray Turkiga oo 44 safaaraddood caalamka ku leh, 26 la taliye dhaqaale iyo 44 gole ganacsi ay ka dhisan yihiin, shirkadda horumrinta ganacsiga ee Turkigana ay caalamka xafiisyo ku leedahay inuu xiriirka ganacsi aan la leennahay Africa uu noqdo 2.1% waa mid aan u cuntameyn waddanka Turkiga.”

Maalinta koobaad ee kulankaasi waxaa wada hadal uu dhex marayey Dowladaha iyo Shirkadaha halka maalinta labaad Shirkadaha ay isdhaafsanayeen wixi xog oo ku saabsan ganacsigooda iyo baahiyahooda.

Istanbul

Waddamada ka qayb galay kulanka maxay la shir tageen?

Maxa’ed Nuur Maxamed Ibrahim (yintaarow) oo ka mid ah ganacsatada shirkaasi ka qayb gashay ayaa wuxuu sheegay ergada ka socotay Africa ee shirkaasi ka qayb gashay iney isugu jireen mas’uuliyin sare oo wasaaradaha ganacsiga waddamada ka socda iyo wakiillo shirkadaha ganacsiga ka socotay.

Waddan walbana wuxuu halkaasi uu ku soo bandhigayey wax soo saarkiisa dhinaca ganacsiga wuxuuna ganacsatada Turkiga uu kala hadlayey xiriirka ganacsi ee ay la yeelan karaan dhiggooda Turkiga.

Ganacsatada Turkigana waxay halkaasi ku soo bandhigeen wax soo saarkooda oo u badnaa dhinaca warshada si ay waddamada qaaradda Afrika ay uga iibsadaan.

Soomaalidu sidey uga qayb galeen?

Soomaalida shirka ka qayb gashay oo koobneeyd xubnaha ka qayb galay waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin are oo ka socotay wasaaradda ganacsiga iyo xubno aan badneen oo ganacsatada Soomaaliya ka mid ah.

Max’ed Nuur wuxuu noo sheegay “iney Soomaalidu ka soo qayb gashay shirkaasi ay aad u koobneyd isla-markaana ay sidi la rabay ugu soo bandhigin wax soo saarka dalka ee ay doonayaan in laga iibsado.

Iyada oo ay jiraan wax soo saar badan oo ay Turkidu haysan Soomaaliyana ay qani ku yahay inaan soo bandhigno ayaa wanaagsaneed laakiin ma dhicin ayuu yiri iyada oo ay arrintaasina sababatay diyaar garow xooggan oo aan laga sameyn iyo ganacsata badan oo aan nasiib u yeelanin iney kulankaasi ka soo qayb galaan.

Xubin ka mid ah Soomaalidi shirka ka qayb gashayLahaanshaha sawirkaMAHAMED NUR/ISTANBUL
Image captionMaxamed Nur Maxamed Ibraahim (Yintaarow)

Ganacsatada Soomaalida kulankaasi ka qayb gashay maxa ka faa’ideen ?

Soomaalida ka qayb gashay kulanka oo aad u koobneyd haddana Maxa’ed Nuur oo ka mid ah ganacsata kulankaasi ka qayb gashay wuxuu noo sheegay ka ganacsata ahaan iney ka faa’ideeen:

  1. In iyaga oo dalkooda hooya oo Soomaaliya matalaya oo calankooda sita inay shir caalami ah ka qayb qaataan.
  2. Wixi ay u baahnaayeen oo ay si fudud uga heleen ganacsatada Turkiga ee ay halkaasi kula kulmeen
  3. Wax soo saarkooda oo ay suuq uga heleen dhinaca Turkiga
  4. Ganacsatada Turkiga wax soo saarka Soomaaliya ee ay daneeynayaan iney iibsadaan oo ay xog fiican ka soo heleen
  5. Turkiga waxa uu Soomaaliya uga baahan yahay oo ay soo ogaadeen
  6. Waddanka Turkiga horumarka dhinaca warshadaha ee uu gaaray oo ay aqoon ka kororsadeen.

Maxa’ed Nuur Ibraahim wuxuu Dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada isaga la mid ahba uu kula talinayaa “in kulanka kan xiga sidi ay Soomaaliya ay shirkaasi uga muuqan lahayd ay ka shaqeeyaan ganacsataduna wax soo saarka dalkooda sidi ay u soo bandhigi lahaayeen falowgeeda ay galaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.