Dawladda Iran oo ku eedeeysay Mareykanka in uu mijo xaabinayo heshiiska Niyukleerka

0
41

Dawladda Iran ayaa sheegtay in ay ka guulaysatay maraykanka oo rabay inuu mijo xaabiyo heshiiskii ay wada gaadhen ee  Nukliyeerka.

Madaxwayne Xassan Rooxaani ayaa sheegay in madaxwayne Trump uu marar badan isku dayay in uu mijo xaabiyo heshiiska ,balse caalamka ay ka hor yimaadeen Mareykanka.

Heshiiska ay wada gaadhen labada wadan ayaa waxa uu ahaa mid wadanka iiran ugu baaqayay inay xadido barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Dawlada Iiraan ayaa iyana sidoo kale waxa ay ku badasheen Xaddidaada barnaamijkooda  Niyukleerka in laga qaado cunaqabataynta.

  1. Iiraan: Tallaabo ayaan ka qaadi doonaa dadkii dhisay dhismayaasha dumay
  2. Iiraan oo tijaabisay gantaal cusub
  3. Madaxweynaha Iiraan oo digniin u jeediyay Mareykanka

Maalinkii Sabtida,Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qadka taleefoonka kula hadlay rai’sul wasaraha Israail Benjamin Netanyahu, oo uu kala hadlay muhimada ay leedahay in heshiiskan la dhowro.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay Mr Trump ayaa isaga oo ka cagajiidaya aqbalay in heshiiskani la dhowro muddo dhowr bilood ah.

Balse madaxwaynaha Mareykanka ayaa ugu baqay wadamada midowga Yurub oo heshiiska qayb ka ah in ay qasab tahay in wax laga badalo heshiiska .

Madaxawyne Trump ayaa ku hanjabay in heshiiska uu ka bixi doono haddii aan isbadal lagu samayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.