Deg-Deg:- Cabsi Xad Dhaafa Oo Soo Foodsaartay Saraakiisha NISA iyo Ciidamada Ammaanka Somalia.

0
225

 

Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in xabsiga loo taxaabo, wixii ka dambeeyay qaraxyadii Shabaab ay ku weerareen xarumaha Wasaaraddaha Amniga Iyo Arrimaha gudaha.

Saraakiishan ayaa si wayn u hadal haya xariga loo gaystay qaar ka mid ah saaxiibadooda oo shaqada ku qornaa xilliga weerarka uu dhacaayay.

Xarunta dambi Baarista Booliska ayaa waxaa ku xiran Saraakiil Boolis iyo Nabad Suggid isugu jira, kuwaasi oo loo haysto sida ragga hubaysan ay ku gudbeen Koontarooladii ay joogeen.

Saraakiisha xiran waxa ay u badan yihiin Taliye unugyaal maamulaayay Koontaroolada Dabka, Suuq yaraha Sayidka, Dalcadda Sayidka iyo Koontaroolka Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Walaaca soo food saaray Saraakiisha kale ee Amniga ayaa la xiriira haddii ay dhacaan falal kale oo lidi ku ah dhanka ammaanka waxa dhici doona oo tallaabo ahaan laga qaadi doono.

Koontaroolada Ciidamada ay joogaan ee aan loo ogoleyn inay maraan gaadiidka ayaa si wayn loo adkeeyay amnigeeda oo xittaa aanan laga sii daynayn gaari uu la socdo qof xanuunsan.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay Saraakiisha xiran in maxkamad loo gudbinaayo iminkana ay socoto baaris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.