[Deg-Deg] – Dab Xoogan Oo Qabsadey Suuqa Bakaaraha…………

0
56

Dab xoogan ayaa goor dhaweyd oo caawa ah waxa uu ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan aagga Bacadlaha.

Dabkan oo la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa kacay kadib markii ay soo kala hoydeen dadkii Suuqa ku sugnaa oo ku ganacsan jiray.

Dabka oo ah mid xoogan ayaa ku sii fidaya qeybo cusub oo ka mid ah Suuqa, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Gadiidka Dab damiska oo ay wehliyaan ciidan Millatari ah ayaa gaaray goobta, waxayna ku hawlan yihiin sidii loo damin lahaa Dabkaasi.

Suuqa Baakaraha ayaa waxaa ku sii qul qulaya dad goobo ganacsi ku leh aagga uu Dabka ka kacay, si hantidooda ay u bad baadsadaan.

Ciidanka ammaanka ayaa rasaas ku kala eryay dad doonayay inay bililiqo geystaan, waxayna xireen goobaha ku dhaw meesha uu Dabka ka kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.