[Deg Deg ]:- Gudoomiye Ciro Oo Safar Ugu Baxay Gobalada Galbeedka Somaliland + [ Sawirada Soo dhawayntiisa ]

0
118

Hargeysa (Arooryonews):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cbadilaahi Ciro iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta duhurkii waxay u ambo baxeen  galbeedka soomaliland.

 

Ujeedka Safarka Gudoomiyaha Waddani ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu soo mahad celin lahaa taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobaladaasi isla markaana codkooda siiyey xisbiga Waddani wakhtigii tartanka doorashada Madaxtooyada .

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa la filayaa marka uu soo dhameeyo safarkiisa gobalada Galbeedka in safar la mid ah ugu bixi doono gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Sool kaas oo uu taageerayaasha xisbiga Waddani dhanbaal mahad naq ah gaadhsiin doono

Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa tartankii doorashada madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacay 13.11.2017 waxaa kaga guuleystay xisbiga Kulmiye , balse hadana ma ah mid ay arintaasi niyad jabisay waxaana uu isku diyaarinayaa sidii uu aqlabiyada xisbigiisu ugu guuleysan lahaa doorashada golayaasha deeganka iyo wakiilada oo sanadka danbe ee 2019 dalka ka dhici doonta

Arooryo media/Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.