Deg-Deg: Maamulka Hawada Soomaaliya oo maanta toos ay ula wareegtay Dawladda F. Soomaaliya.

0
164

MUQDISHO(Arooryomedia) – Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa kudhawaaqday in ay xalay 2dii habeenimo si toos ah ay ula wareegtay maamulida Hawadeeda, ka dib 25 sanno oo laga maamulayey dalka Kenya, gaar ahaana magaalada Nairobi oo ay yaaleen qalabka Hagida.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in ay talaabadan tahay mid dhanka horumarka loo qaaday, isagoo sheegay in dadaal dheer oo la sameeyey ay kutimi in gabi ahaanba ay Soomaalidu la wareegtay hagideeda.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa ah mid qiimo ugu fadhiya dawladda Faderaalka, waxayna gacanta kudhigi doontaa lacagaha ugu badab ee horey looga heli jiray, maadaama ay awal u maamuleysay shirkado Kenya iyo QM iskugu jira.

Dhamaan duulimaadyada diyaaradeed ee maraya hawada Soomaaliya ayaa laga amri doona magaalada Muqdisho oo laga sameeyey barta xariirka duulimaadyada.

Talaabadan ayaa ah mid farxad galinaysa Shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay awood u yeesheen in ay maamushaan Hantidooda oo lacago badan kasoo xaroodaa, sidaas oo kalena ay tahay talaabo madax banaani huwan.

Somaliland waxay horey uga carootay in la maamulo hawada dalka laguna wareejiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, maadaama ay sheegto in ay ka goosteen dalka 1991dii, waana caqabadaha ugu waa weyn ee haystay arrimahan.

Nagalasoo Xidhiidh
Arooryomedia.com/Moqdisho Office
Info@arooryomedia.com
Arooryomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.