Deg-Deg:-Madaxweyne Farmaajo Oo Mid Ka Mid Ah Macalimiinta Jaamacadda Hargeysa U Magacaabay Garsoore Maxkamada Sare Ah

0
39

Hargeysa (Arooryomedia):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa mid ka mid ah macalimiinta jaamacadda Hargeysa, wuxuu u magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sar sare ee dalka Soomaaliya.

Cabdiqaadir Idiris Ciise, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ahaa macalin ka tirsan jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta sharciga, waxaanu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa jaamacadda Hargeysa oo uu Farmaajo u magacaabo xil.

Mr Idiris ayaa shahaadada labaad wuxuu ku soo diyaariyay sharciga oo uu ku soo bartay dalka Sudan, waxaanu magaalada Muqdisho u socdaalay dhawaan.

Arooryomeida/Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.