[Deg-Deg]-Puntland Oo Ciidamo Dheeraada Soo Dhoobtey Tuka-Raq.

0
396

Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu halkaasi geeyey Ciidamo farabadan  waxaana  halkaasi ka taagan xiisad dagaal.

Waxaa weli Tukaraq  isku-horfadhiya Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oo dhowr jeer horay u dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya  in Ciidamadaas ay ka yimaadeen Magalada Qardho ee Gobolka Bari,isla markaana ay ku biirayaan ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka.

Dad badan ayaa Ciidamadaas shaki ka muujiyey maadaama weli labada ciidan ee puntland iyo Soomaaliland ay ishor-fadhiyaan,balse waxaa la sheegayaa in ciidamadaas uu amray in ay halkaasi tagaan taliyaha Ciidamada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.