DEG-DEG: Schalke 04 Oo Xaqiijisay Xidigii Ay Ku Raad Joogeen Liverpool, Barcelona, Man United & Bayern Kooxda Uu Sida Rasmiga Ah Ugu Biirayo.

0
61

Kooxda Schalke ayaa xaqiijisay in xidigeeda khadka dhexe Leon Goretzka uu si xor ah xagaaga soo aadan ugu biiri doono Bayern Munich, waana sheeko dhabar jab weyn u ah kooxo badan oo ka dhisan qaaradda yurub.

Xidigaan heerka caalami ee dalka Jarmalka wuxuu heshiiskiisa dhacayaa 30-ka June 2018, taasoo ka dhigan inuu haatan heshiis la gaari karo koox walba, Bayern Munich ayaana noqotay dooqiisa iyadoo ay xiiseynayaan Liverpool, Manchester United, Juventus & Barcelona.

Leon wuxuu kusoo biiray Schalke 04 sanadkii 2013 markaas oo uu kooxda la gaaray heshiis shan sanadood ah, balse kuma guuleysan iney ku qanciso inuu heshiis cusub u saxiixo.

Leon wuxuu ka mid noqon doonaa Bayern Munich iyadoo koobka Aduunka uu socdo, sidoo kalana wuxuu u saftay Schalke 04 (130) kulan isagoo u dhaliyay 19-gool oo qura, dhanka kale Jarmalka ayaa looga yeray sanadkii 2014 – wuxuuna saftay tan iyo markaas 12-kulan isagoo dhaliyay 16-gool oo qura.

Tababaraha Schalke Christian Heidel ayaa xaqiijiyay in xidigaan uu heshiis hordhac ah la galay kooxda difaacaneysa Bundesliga, sidoo kalana uu goor hore caafimaadka u maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here