Dhulgariir ku dhuftay Peru

0
67

Dhul gariir lagu qiyaasay xooggiisa 7.1 ayaa 2 qof ku dilay, 65na ku dhaawacay koofur galbeed dalka Peru, sida ay sheegtay xukuuumadda dalkaas.

Xilliga dhulgariirku dhacay ayaa ahayd abaaro 12:18 duhurnimo ee Afrikada bari, Axaddii maanta.

Goobta xuddunta u ahey dhul gaariirka ayaa ahayd badweynta Baasifigga, waxaana gariirka laga dareemay meelo ka durugsan ilaa 36KM, sida ay sheegtay hay’adda Maraykanka u qaabilsan dhanka sahanka dhulka.

Hore waxay maamulayaasha Peru u sheegeen inay jiraan warar aan la hubin oo sheegaya in la la’ yahay 17 qof oo macdan qodayaal ah.

Wasiirka caafimaadka ee Peru Abel Salinas wuxuu sheegay in kooxaha samata bixinta ay gaareen halka macdanta laga qodo.

Xukuumaddu waxay sheegtay oo kale in gariir xoog leh laga dareemay magaalada Lomas oo 26 KM u jirta xuddunta dhul gariirka.

Barasaabka gobolka Arequipa Yamila Osorio ayaa Twitter (luqadda Isbaanishka)ku sheegtay in nin uu ku dhintay magaalada Yuaca ka dib markii uu dhagax ku dhacay.

Qof kale ayaa isna ku dhintay magaalada Bella Union ka dib markii uu dhisme ku soo dumay, sida uu idaacad u sheegay madaxa machadka Peru ee difaaca.

Machadku wuxuu sheegay in 65 qof ay ku dhaawacmeen gobollada Arequipa, Ica iyo Ayacucho.

Maamullada gobollada ayaa sheegay in guryo ay ku burbureen tiro magaalooyin yaryar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.