DHURWAA UUDA MA DAAYO** ( ABDI-SHOTALY).

0
58

Somalidu waxay Hore u tidhi gacan hoo baratay, hadal wax kama taro, waa
sidaas gacan wax qaad-qaadda, xataa haddii la gooyo gumudkaa dhaq-dhaqaaqa,
wuxu yidhi (IHN) Tima-cade ” Aduun reer ka halaabay, markuu aydda ku laayo,
dhurwaa uudda ma daayo, nin ugaadhsa-nayaana, Kolay awr xun ma waayo, abris
reenka ma daayo ”  Faysal cali waraabe, ma dib baa loo bedelayaa Akhristaw,
inkastoo la hagaajoo, dharka kiisa hagaagsan iyo shaal huwisid, oo halyey
loogu dhawaaqo, waa halkaad ku ogaydoo, hoori waa iska hoori. beryahan-ba
qaar baa I lahaa, waar ninkii Faysal xagaayo shuushkii rabbi ka qaad, oo
imika wuxu noqday, nin danta guud ee Somaliland u adeegaaya, oo wuu ka
baxay dhuuntii loo qoyn jirey, oo aan idin lahaa, kan ma taqaan-niine ha ku
daalina, inkastuu durdur iyo dabaal galo doofaar abidkii ma daahiro’e. saw
soomay dhamaan, oo gunta maydin soo taabin, wuxuu isla giiji-naayey, in ay
tahay cad quudheedkii yaraa, ee loo tuuri jirey oo lagu adkeeyey, markaana
uu dhabadiisii caadiga ahayd u maraayey, taas oo ah, marka maalmo la
yidhaaho wax ma hayno ee maantana ma socotaa? In uu u hadlo siddii mid ka
soo hor jeedda Askarta, nin-ba wuxu yahay buu u dhurtaaye, waa kaas hadaba
kii rajo ka sugaya-yoow.

Bahal caydhin ma daayo, nina caadi ma baajee, dhab maw aragteen,
maah-maahddii ahayd “Caado la gooyaa, cadho allay leedahay”, waano waxa mar
walba muquunisa qofku wuxuu u dhasho, si kaste oo aad isu yeel-yeesho, oo
aad kolba geed si mariso, mar-ba shaadh soo gashato, siddii jirji-roolaha
miridhkii walba midab kale huwato, wax-ba kaama raacaan, oo alle wax-ba
kaagama duwo, ee wuxuun baa kugu soo duxa wixii aad ahayd, ilayn abuur lama
dooriyo’e, waxa (IN) Abwaan Qaasim laga hayaa ” Haw Dhuran Dhurwaaggii
laftuu dhuuxay eersadaye” dhaaxaan idinku disaayey runta, oo aan idiin
sheegaayey, wuxu rux-ruxanayaa intiisii yarayd, ee wax weyn haw qaadanina,
waxoogaagii baa loo diidaye, waa maalmo kooban inta uu sidaa u hadlayaaye.
qof hadaad taqaano, oo ayaamo aad ku arki waydo wadhisii, wax baa ka si ah,
ee marka uu xalilo arin-taas buu sidiisii ku soo noqdaaye, faysal waa kaas
markii uu soo bisleeyey, intii dhuunta loogu qoyn jirey, saakaba halkiisii
ka miisay, malaha dadka qaar baa la yaabane, aniga waa ii caadi, ee si
wacan ma u hubsateen.

Waxan ku soo xidhay qoraalka, waxa la yidhi adhi daasad kama il-baxo’e,
kuwii ina Cali Waraabe lahaa wuu hagaagayaw, ma caad baa idinka saran in
aanu abdo lahayn, ee uu ku shaqeeyo dhuunta oo loo qooyo Faysal
xagaayo.Dhurwaa baa la yidhi bal nooga waran Raqdda marka aad ku fadhido,
iyo marka aad waydo laf aad feenato?, wuxu ku jawaabay, laba la is barbar
dhigi karo maaha, markaan laba liqaayo hilbka, ee aan leeyahay yaan lagugu
soo gaadhin, miyaa lay waraystaa, waxan ahay rahii jiilaaka ka soo baxay ee
biyaha daad wararacdda ka dhex waaq lahaaye. marka-se aan waayo laf aan
feento, sanqadha dhirta baan is idhaahaa waa neef, oo ana dib uGu jeestaa,
amrka sanku wax urin-waayo, baan baadi doon kale ku sii dhaqaaqaa. waxan
uga socdaa Faysal markii aad i lahaydeen waar ninkii hagaag, raqa buu raad
guraayey, ee si kale baad u aragteen, maanta waa kaas kolkuu ku fadhiistay
raqddii, halkiisii ka naas qabtay. waxan ku soo dabray maqaalkan, kolay
aniga wuu iga liitaa ka dad u haystaw, coomirkan, ciyi waa ka beryey lagu
adeeg-sadaa ( Waa Faysal xagaayo’e).

– *N.B Nin Abris Reenka Madaayo!*

Qore:- Abdi-Shotaly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.