Dibadbax Looga Soo Horjeedo Mooshinka Laga Keenay Madaxweyne Farmaajo Oo Muqdisho Ka Socda.

0
66

Muqdisho-(AM)-Shacab iskood isku soo abaabulay ayaa haatan waxa ay dibadbax ka dhan ah mooshinka laga keenay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ka wadaan wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho.

Shacabkan ayaa sheegaya ineysan raali ka ahayn mooshinkan laga keenay madaxweynaha, waxayna ku baaqayaa in xildhibaannada ay la laabtaan.

Sidoo kale ereyada shacabka ku dhowaaqayaan waxaa ka mid ah “Dooni meyno doolar qaate, dooni meyno laaluush qaate, dooni meyno mooshin iyo dumin”

Waxaa cirdhidhi ah isku socodka gaadiidka ee wadada Wadnaha magaalada Muqdisho, iyadoo dibabaxan uu imaanayo xilli xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ay xalay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.