#Didier Drogba muxuu ka yidhi in uu ku biiro siyaasadda inkastoo uu ku casuumay Weah

0
25

Ciyaaryahankii hore ee qaranka Ivory Costa, wiilka lagu magacaabo Didier Drogba ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay Wakaalada wararka AFP ee dalka Faransiiska, inuusan lahayn Hami Siyaasadeed oo dalkiisa ah.

Drogba, oo hada ka shaqeynaya Howlo Bani’aadanimo ayaa wuxuu sheegay in qofka uu saameyn ugu dhax-yeelan karo bulshadiisa ama dadka wadankiisa siyaabo kala duwan, marka laga soo tagao Siyaasadda.

Xidiga labada jeer ku guuleystay abaalmarinta laacibka Afrika ugu wnaagasan ayaa wuxuu kaloo ka hadlay noqoshadda ciyaaryahan hore ee George Weah, Madaxweynaha Liberia iyo Casuumaad uu ka helay.

Wuxuu ku bilaabay Drogba: “Ma ahan mid daruuri ah in xaaladahaan oo kale ay ciyaaryahadu ay noqdaan Madaxweyne.

Wuxuu raaciyey: “George wuxuu furay wadadii uu [dadkiisa] saameyn ugu yeelan lahaa, kuwa kale [ciyaartoyda kale] waxaan ku sameyn karnaa wado ka duwan taas.

Wuxuu sii daba dhigey: “Wuxuu waqti badan ii ahaa astaan isaga, wuxuu kaloo ii ahaa walaal wanaagsan, waxa uu maanta gaarnay awood ayuu uleeyhay.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waan gaari karnaa hadaf-uyadeena si aan uga dhabeeno riyooninkeena ah inaan Bulsho wacan sameyno.

Ciyaaryahankii hore ee Olympique de Marseille iyo Chelsea ee Didier Drogba ayaa ah Madaxa Hay’add lagu magacaabo Didier Drogba Foundation, taasoo dhaqaalo ku bixisa caafimaad iyo Waxbarashadda, Afrikana ka shaqeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here