Diego Lopez Oo Xalay Noqday Goolhayaha Ugu Badan Ee Rigoore Ka Badbaadiya Lionel Messi & Tirada Xidiga Reer Argentina Ka Qasaartay.

0
22

Goolhayaha da’da ah ee Espanyol Diego Lopez ayaa noqday goolhayaha ugu badan ee rigoore ka badbaadiya Lionel Messi kadib markii uu xalay noqday geesiga kooxdiisa markii uu rigoore waqti xasaasi ah timid banaanka kaga saaray xidiga reer Argentina.

Espanyol ayaa xalay soo afjartay rikoorkii guuldaro la’aanta dhamaan tartamada oo dhan ee Barcelona kadib markii ay 1-0 ku dileen kulan ka dhacay garoonka RCDE Stadium, kulan ka tirsan Copa del Rey wareegiisa quarter final-ka.

Lionel Messi ayaa lagu abaalmariyay gool ku laad qeybtii labaad ee ciyaarta markii la jalaafay Sergi Roberto, basle kubad uu dhanka bidix dhigay waxaa gacanta bidix si cajiib badan isaga saaray Diego Lopez.

 

Goolhayihii hore Real Madrid wuxuu ka badbaadiyay Messi rigooradii labaad, mana jiro goolhaye laba rigoore ka badbaadiyay kabtanka Argentina.

Diego Lopez waxey u aheyd markii labaad madama uu January 2008 ka badbaadiyay rigoore Lionel Messi kulan dhexmaray kooxdisii hore Villarreal iyo Barcelona.

Guud ahaan Lionel Messi waxaa la siiyay 81-rigoore, kaliya 63 ayuu shabaqa ku shubay taasoo ka dhigan inuu qasaariyay 18 ka mid ah, waana 77%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here