Diyaarad Ay Leedahay Qaramadda Midoobay Oo Diiday Inay Qaado Madaxwayne Cabdiweli Ali Gaas.

0
23

Garoowe(Arooryo media)Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafti uu hogaaminayay ayaa Shalay ka baaqday safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Dhuusamareeb, kaddib markii diyaarad ay leedahay UN-ka oo ka qaadi laheyd garoonka Gaalkacyo ay diiday in boorsooyin aan la baarin in la saaro diyaaradda.

Muran Waqti badan qaatay kadib ayay diyaaradii ku adkaysatay inaysan qaadin Madaxwayne Cabdiweli Cali gaas iyo masuuliyiintii la socotay baaritaan la’aan agabka ay wataan, iyadoo markii dambe ay diyaaradu ka kacday Garoonka rakaab la’aan iyo iyada oo aan wax rakaab ah ka aadin kadib cadho iyo khilaaf xoogleh ka dhex dhacay.

Saraakiisha Diyaaradda ayaa ku andacooday badbaadada diyaarada inay ka bilaabato dhulka, isla markaana waajib tahay in la baadho agabka ay madaxa wataan. Hase ahaatee Saraakiisha la socotay Madaxweynaha Puntland ayaa diiday in la baadho agabka ay wataan oo ay ku jireen ciidamo hubeysan. Wariye ku sugan Gaalkacyo oo lagu magacaabo Abaadir Cabdiqaadir Cilmi ayaa u sheegay Warbaahinta Jowhar in ismaandhaafka ugu badan uu ka taagnaa agabkii Madaxda wateen oo la diiday in la baadho, xitaa hadii ilaaladii hubeysneyd hubkooda laga uruuriyay oo loo ogolaaday inay diyaarada raacaan hub la’aan

Intaas kaddib Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dib ugu laabtay xarunta Madaxtooyada ee waqooyiga Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in diyaarad kale loo dalbay. Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan waxaa diyaaradaha la raaca marka uu tagayo Muqdisho iyo meelo kale ciidamo hubeysan oo ammaankiisa suga.

Diyaaradaha UN-ka ee isugu jira kuwo gargaarka bani’aadanimada iyo kuwa kale ayaan isku shuruuc laheyn, waxaana la sheegaa in diyaaradaha UNSOM u kireysan aan loo ogoleyn agab aan la baadhin in la saaro. Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa uga qeyb galaya magaalada Dhuusamareeb munaasabad lagu mideynayo Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug, kaddib markii ay dhamaadkii sanadkii hore ku saxiixdeen Jabuuti heshiis awood qeybsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here