DOONYO KALUUMEYSI IYO DADKI WATEY OO ILLA HADDA LA LA`YAHAY.

0
67

Dooman badan oo Kalluumeysato ah ayaa ku xiran xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo arroortii hore u kaluumeysi taga xeebaha Badweynta Hindiya ee ku teetsan Muqdisho.

Todobaadyadii ugu dambeeyay xeebaha Muqdisho waxaa ka dhacayay dabeylo fara badan, waxaana ay saameyn ku yeesheen dad badan oo Kalluumeysato ay u badan yihiin.

Kalluumeysatada qaar ayaa sheegay xilligan oo kale in sanad walba ay dhacdo dabeyl aad u xaogan o ay sheegeen in dabeyshan ay tahay mid daran oo weligood aysan arkin, xilligana lagu guda jiro Jiilaal.

Nuur oo ka mid ah kalluumeysatada ayaa sheegay in Doon ay uga burburtay dabeysha, iyaga xitaa ay halis gashay nafsadooda, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay ka taxadari doonaan.

C/qaadir Xundubey oo Kallumeysatada ka tirsan ayaa sheegay Sagaal nin iyo Saddex Doomood ilaa hada in la la’yahay meel cirib iyo jaan ay dhigeen, wuxuuna sheegay in Malaayga uu fogaaday taasina ay keentay in Kalluumeysatada ay gudaha u galaan Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.