Dumarka hoggaanka haya ma hormarin karaan nolosha haweenka kale?

0
70

“Ma aamini karo in aan ka hortagnay caqabadda ka dhasha cilmi iyo aqoon la’aanta. Haddii ay jirto gabar u taagan in ay xilli dambe wax daawanayso – Waxaa suuragal ah in aan noqdo madaxweynaha soo socda.” Waxay ahaayeen ereyadii Hillary Clinton ay sheegtay 2016-kii ee u fududeeyay in ay noqoto musharrixii Dumuquraadiga.

Ugu dambeyn waxay ku guuldareysatay in aqoonteeda ay ku burburiso caqabadda, balse doorashada Hillary Clinton ee habeenkii codeynta wax kasta ayey u ahayd – wax lama filaan ah ayaana dhacay.

Xarunta Javits, waxaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ugu wayn ee dumarka ku hormaraan ee New York, waxayna u ahaan lahayd meel wanaagsan oo ay ku qorsheyso in ay noqoto madaxweynihii ugu horeeyay ee dumar ah ee soo mara Mareykanka.

Hase-yeeshee, guuldaradii Mrs Clinton waxay dhalisay isbedel degdeg ah. Inkastoo tirada dumarka ee caalamka loo doortay hoggaan ahaan ay korortay 10kii sano ee la soo dhaafay.

Illaa 15 dumar ayaa hadda haya xilka ugu sareeya ee dalal kala duwan. Sideed ka mid ah waa hoggaamiyayaashii ugu horeeyay ee dumar ah oo madax ka noqda dalalkooda, sida ay baahisay xarunta cilmi baaridda ee Pew.

Balse taa micneheedu wuxuu yahay in dumarka hoggaamiyayaasha ah ay yihiin wax ka yar 10 boqolkiiba, marka la eego 193-da madaxweyne ee xubinta ka ah Qaramada Midoobeey.

Dumarka kale ee dalalkooda miyey kor u soo qaadayaan?

Cilmi baarid ayaa muujisay in gabdhaha wehliya dumarka hoggaamiyayaasha ah in ay leeyihiin hadaf iyo ujeed sare

Dumarka hoggaanka haya waxay ku dadaalayaan in caqabadaha ay ka gudbaan.

waxaa suuraga ah in hannaanka qoondada dumarka ee dowladaha hoose Hindiya, uu ka mira dhalinayo taa.

Tan iyo 1993-dii, mid ka mid ah seddaxdii qof ee laga soo doorto deegaanada Hindiya, waxaa laga doonayaa in uu qabto doorka odey dhaqameedka golaha dumarka, taas oo abuurtay khibrad dabiici ah oo shacabka ku milan.

Cilmi-baarid la sameeyay 2012-kii oo lagu eegay kumannaan caruur iyo waalidiintooda, waxaa lagu ogaaday in haweenka hoggaamiyaha ah ay sare u qaadeyaan rajada gabdhaha yaryar ee deegaanada.

Markii la weydiiyay waxay doonayaan in caruurtooda ee dhanka waxbarasho, iyo da’da ay ku guursanayaan ama ku shaqeynayaan. Waalidka waxay u muuqdeen in ay rajo sareysa ka leeyihiin dhanka wiilasha.

Laakiin, deegaannada laba jeer oo isku xigta laga soo doortay dumar, “farqiga rajada” ee wiilasha iyo gabdhaha wuxuu isu soo dhowaaday 25 boqolkiiba.

Taas waxay aad ugaga duwan yihiin deegannada aan weligood yeelan qof dumar oo hoggaamiye ah.

Meelha qaar, rajada laga qabo wiilasha hoos umaysan dhicin, xittaa haddii dumar ay hoggaamineyso, Balse gabdhaha dhankooda waxaa ka jirto rajo iyo hammi sare.

Qaar ka mid ah dadka wax qora waxay sheegayaan in dumarka hoggaanka haya ay leeyihiin waqti kooban oo ay ku badalaan xaalad haweenka kale iyo gabdhaha ayagoo xeerar adeegsanaya.

Haweenka ku dayashada mudan, waxay ku filanyihiin in ay ku rajo geliyaan gabdhaha yaryar ee hareerahooda ku sugan.

Sawirka Hillary Clinton iyo Angela Merkel oo dumar ku dhiirageliyay in ay si wanaagsan u hadlaan

Hadalka wanaagsan ee dumarka

Baaritaan la sameeyay 2012-kii ayaa muujinaya in dadka lagu daydo ay dhiirageliyaan hab dhaqanka dumarka ee xaaladda hoggaaminta, xittaa haddii ay ka fog yihiin.

Qoraayaal ayaa casuumay rag iyo dumar arday ah, si ay u jeediyaan khudbado. Qaar waxaa la tusay sawirka Angela Markel, kuwana waxaa loo bandhigay sawirka Hillary Clinton.

Koox kale ayaa loo bandhigay sawirka Bill Clinton, qaarna waxaa la geeyay meel uusan sawir oolin.

Dumarka waxay hadal muhiim ah oo dheer jeediyeen markii ay arkeen hoggaamiye dumar ah oo guul gaartay, laakiin hadalkoodu ma wanaagsanayn markii ay arkeen siyaasi nin ah ama qof aan ku dayasho mudnayn.

Dherirka hadalkoodu wuxuu sare u qaaday in lagu qiimeeyo wanaag la xiriira khudbadooda.

Waxaa la baahiyay akhbaar lagu taageerayo arrintaa iyo in doorka dumarka siyaasadda oo sare u kaca lagu xirayo koboca qiimaha nolosha ee maalin kasta.

Fadlan Share Dheh:
http://www.arooryomedia.com
info@arooryomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.