Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday degaan ka tirsan gobolka Gedo

0
88

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay saq dhexe ka dhacday degaan lagu magacaabo Dhiigtaar oo ka tirsan gobolka Gedo.

Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeyn la bartilmaameedsaday fariisin Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen diyaarado Gantaalo ku ridaya goobo la sheegay in ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xoogag ka tirsan ururka Al Shabaab.

Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeynta ciidamada Kenya ay ka geysteen halkaasi, waxaana weli socda uruurinta xogta iyo macluumaadka la xiriira Duqeyntaasi.

Goobta Duqeynta ay ka dhacday ayaa ah degaan inta badan ay isticmaalaan ciidanka Kenya, marka ay doonayaan in ay isaga kala gudbaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ururuka Al Shabaab iyo Kenya oo ku saabsan duqeyntan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.