Eed Aad Leedahay Cidna Haw Tirin ( Abdi-Shotaly).

0
163

Somaliland waa ayaan daran, uu horar-ba-horror hoos ordaayo, intii u
miciinka ahayd-na, eedo aanay lahayn lagu tolaayo, kii dhuuman lahaa baa
weliba sidaa ku soo indha cad, oo qaar aan mabdda kale lahayn, hunguriga
uun wax ka arkaa, ku wata dantoodda oo keliyi ay khaldka ku raacayaan,
ilayn iyaka wax kama gelin, oo calooshoodda baa u daran wax ay ku ridaane.
hees uu qaadi jirey, (IHN) Axmed Maxamed Good, oo loo yaqaanay ( Shimbir),
baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa (Riwaayaddii Barkhad-cas) ” Yucub midha
lahoo, la yag-leela-yaan, yura leeyahee, ma yahaaburaa? Ma yac geesalaa? Ma
yaxaas jinaa? waan yaabanee, idin-kuna dad-yahaw, ma la yaaban-tiin?, bal
illaahay baan idinku dhaarshee, in aan loo il bixinayn dalkan iyo dadkan,
ruux-ba ruuxuu hoos ka sii xigay baa gacanta ku dhugaaya. Bal ila eega
kuwan soo socdda.

Falaadha wadnaha idin-kaga taal, cid idinka goynaysaa ma jirto, kamana
galgalan kartaan, ee ha idnka taagnaato, waad galabsa-teene. Yam-yamkoo
kaloo, yalam-laynayaa ina hor yaacayee, bal dhugta, oo u yara fiirsadda
kuwan aan hoos ku soo qori doono, oo dhaliil ay leeyihiin is leh iskaga
roga cid kale, farta-na ku fiiqaaya mid aan denbi lahayn, iyo masabi-daad
been ah:-

(a) Faysalaw waxan ahaa ( Aniga oo abdi-Shotly ah),  markii aad wadda
socteen Jamaal Cali Xuseen, intaad noogu timaadeen dalkan UK, shirka weyn
loogu qabtay Magaaladda Birmingham, ee isaga oo laga sugaayo shirkii,
hoosta uga dhuuntay madax-weynihii hore ee somaliya Xasan Sheekh,  sawtii
markii lagu waayey, ee meel walba laga adoonay, la iska furay shirkii, ee
mar dambe iska soo galay, af buuxa ku yidhi waxan si qarsoodi ah u wadda
hadlaynay Madax-weyne Xasan Sheekh. iyadda oo si cad loogu hayo xidhiidhka
Somaliya, buu Faysal Xagaayo cid kale ku af-gobaad-sanayaa, saw wax la yaab
leh maaha.
(b) Ramaax Miyaanu ahayn, kii Gobol kaste oo Somaliland ah kaba la’aanta
kaga baxay, Berbera waa tii hadh cad ka cararay isaga oo caga-dhabanaaya.
Ceerigaabo waa tii dilka lala beeg-saday ee uu dirqi iyo tu alle kaga
badbaaday, Awdal ( Waa boorama’e, miyaan saq-dhexe guriga loogu daadan, oo
orodkii waaga oo aan beryin Hargaysa ku soo gelin caymadkii.
(c) Burco wixii uu ka sameeyey, iyo ibtiladuu dhigay, foodkii waa kii
joogi kari waayey, ee ku waashay iga bedela, markii uu askartu Meesha
boobtay, ee ku doodaayey naf-taydda ba akhatar ku jirta. Gebiley Iyana waa
tii askartii wadatay, markii ay ka dhamay-satay, debedda u soo tuurtay,
siddii guuf timiri ka dhamaatay. waxa ku xigay iyaba waa yaabka-yaab-kiise,
ilayn caqli ma laha oo waa maaya-deri-xaale iyo kud ka guur oo qanjo u
guure, wax taranso buu is yidhi, markaasuu u galay Faysal Xagaayo, oo aynu
og-nahay in aanu mid rajo sugaaya ahayn, in ay doortaan ummadda Reer
Somaliland, oo weli maskax-diisu siinayso cid baa ku rabta, oo mar afraadka
baa lagu dooran doona, laakiin iska qaata cadka xun ee loo tuuro. Caqliga
Ramaax waa kaas hoos fadhiya Faysal, mana waayo arko oo wax ku qaadan waa,
Wixii ku dhacay Jamaal cali Xuseen.
(d) Iyaka oo ay shakhsi-nimadoodu sidaa tahay, bay misana cid kale ku
eeday-nayaan Xusbiga Waddani baa Ajandhe kale wataa oo aan Somaliland
ahayn, bal amuurta illaahay kuwaas baa naf laga sugayaa, oo ay qaar sacabka
u garaaca-yaan, saw jar ka sii tuuri maayaan.
(e) Maamul Goboleedka labadda askari iyo dhuun raacyadda daba gurguurtaa
,Iyana miyaana ahayn kuwa wax walba looga soo saxeexo Xamar, ee albaabadda
u soo laalaabay Siyaasaddii arimaha debedda, markii uu xaal-koodu noqday in
gudaha ka mash-quulaan, si ay kursiga u sii adkays-taan, waayo wax kale-ba
Meesha umay iman markoodda hore-ba.

Soo kooboo In ay manta ku doodaan, kuna dacwiyaan la kala diri maayo,
Komishanka Xaaraan quuta-yaasha ah, oo dhuun-toodda ka door biday, cadaalad
iyo sinaan, oo aan illaahay aqoone yaqaana, aakhiro danteeda’e iska
dhabaq-sadda, una xeebtay wax yar oo loo dhiibo, tii alle ilaaway, saw
markaa xaqa uma ay yeelan in ay ilaaliyaan, oo ku fara-adaygaan, si ay mar
kale hadana ugu adeegaan, waayo dee iyaka baa markii hore-ba saaray. hadaan
loo daynina dib u urin-maayaan, waxan ku soo xidhay qoraalkan, run iyo
beeni kala cad, nin-ba wuxu galay baa la hor keenayaa ee si wacan u
dhegaysta, wax la isu qarinayaa ma jirto’e. Somaliya kuwa la haystaa ee ka
amar qaataa waa kuwa aan sare ku soo sheegaye.

Qoraalka waxaa ka masuula oo fikirkiisa u xora Qoraaga

– N.B Yucub Midha LahooLa Yag-Leela-Yaan Yura Leeyahee!.

Qore:- Abdi-Shotaly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.