falaqeyn:kulanka Burnley vs. Man United – ee caawa, Safafka & Jose Mourinho Oo labaduba Guul U Baahan.

0
52

Bunrley oo aanan guuleysan Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo EPL ay ka dheeshay ayaa waxay marti qaadi doontaa dhigeeda Manchester United, maanta oo Sabti ah si ay ula dheesho kulan ciyaareed Premier League, ka tirsan.

Ciyaartaan ayaa imaaneysa iyadoo Manchester United ay guul kasoo gaartey Stoke City kulankii ugu dambeeyay markaasoo ay kusoo xaaqday 3-0.

Sikastaba, ka hor inta aanan la baasan kulankaan Maqribnimada maanta oo Sabti ah, ayaa waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbin doonaa wax walba oo aad uga baahan tahay kulan ciyaareedkan:

 

Maxaa Ku Cusub Labada Koox?

Kooxda gurigeeda joogta yaa waxaa ka maqan kulankaan ciyaartoyda badan, kuwaasoo kala ah: Chris Wood oo weerar yahan ah, Robbie Brady, Khad dhexe Brady iyo Stephen Ward daafac.

Laakiin, waxay dib uheli kartaa kulankaan ciyaaryahanka lagu magacaabo Tom Heaton, laakiin waxaa shaki laga gelinayaa kulankaan Scott Arfield, kaasoo dhaawac dhanka Muruqa ah qaba

Dhanica kale, Manchester United ayaa waxaa la rajeynayaa inuu dib usoo laabto, Zlatan Ibrahimovic Isbuuca ugu horeeya ee bishaan Febraayo, sidoo kale daafac sare Eric Baily ayaa isana maqnaan doonaa ugu yaraan Hal bilood.

Shaxda Macquulka Ah

BURNLEY (4-4-1-1)

Pope: Bardsley, Tarkowski, Mee, Taylor , Gudmundsson, Defour, Cork,  Hendrick, Barnes, Vokes

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1)

De Gea: Valencia, Smalling, Jones, Shaw, Matic, Pogba, Martial, Mata, Lingard, Lukaku

Si  Kooban

Tartanka: Premier League

Kulanka: Burnley vs. Manchester United

Saacadda: 18:00 [Maqribnimo, Waqtiga Geeska Ah]

Garoonka: Turf Moor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.