Gianluigi Donnarumma oo ka hadlay wararka sheegaya inuu ka tegayo kooxda Milan

0
38

(Milano) 13 Maarso 2018 – Goolwalaha AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayaa ku adkaysanaya inuu “deggan yahay oo faraxsan yahay”, tiiyoo ay jiraan warar sheegaya inuu ka xirxiran yahay kooxda Milan.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in uu xaraaraadey xiriirka agaasimaha isboortiga ee  Massimiliano Mirabelli iyo wakiilka 19-jirka ee Mino Raiola, waxaana haatan kusoo biiray war sheegaya in aanu aabaha wiilka oo ah Alfonso aanu salaamin Mirabelli markii uu maalin dhowayd San Siro yimid.

Waxaa taa kaga sii daray imaanshiyaha la filayo ee Pepe Reina oo la sheegay inuu shalay tijaabo caafimaad oo hordhac ah u maray Milan, iyadoo ay dadka qaar sheegeen inay tahay astaan muujinaysa inuu Donna tegayo, balse muxuu ka yiri.?

“Waan degganahay waana faraxsanahay’ horay waxaan ugu soconayaa maskax deggan,” ayuu Donnarumma u sheegay Sky.

“Waxaan nahay qoys isku duuban, Axaddii ayaan caddayn u ahayd. Waxaan ku faraxsanahay inuu André Silva dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Serie A.” ayuu daba dhigay Donnarumma oo la arkayay isagoo goolka kasoo ordaya si uu ula dabbaal dego, isagoo sheegay inay Khamiista London u tegayaan inay natiijo gaaraan.

“Wax naga lumayaa ma jiraan.” ayuu yiri.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here