Guddomiye Mursal Oo Hadda Ka Hadley Mooshinka Laga keeney Madaxweyne Farmaajo Iyo Khilaafka ka Taagan Golaha.

0
855

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan gudoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in uu markii ugu horeysay la hadlo saxaafada.

Maxamed Mursal oo labo maalmood ka hor gudoomay hindisaha mooshinka xilka qaadista madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxaaada uga warbixinaya khilaafka isaga iyo labadiisa ku xigeen u dhexeeya iyo mooshinka ay xildhibaano kamid ah golaha shacabka ay ka gudbiyeen madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa la filayaa in uu si rasmi uga hadlo khilaafka kala dhexeeya madaxda sare ee dalka iyo wararka sheegaya in xabsi guri la dhigay.

Waxaa kaloo la filayaa in uu ka hadlo gudoomiye Mursal mowqifkiisa ku aadan doorashada la filayo in ay ka dhacdo Koonfur galbeed oo uu horey uga soo horjeestay ciidamadii ay dowlada Federaalka gaysay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha GS baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa labo maalmood ka hor si lama filaan ah u qabtay soo jeedin mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo taas oo dhalisay in uu sii xoogeysto khilaafka u dhexeeya gudoonka iyo xildhibaanada golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.