HALYAY KU DAYASHO MUDAN GUDOOMIYE SHARMARKE AXMED MUXUMED(GEELLE)!!!!

0
139

Hoyaalka Noloshu wuxuu sheegayaa in umad walba mustaqbalkeedu ku xidhan yahay nooca
Hoogamiyaha ay talada u dhiibato, Nasiibkuna waxaa uu umadaha aduunka ku kala keexeyaa
Hadba nooca hogaamiye ee umadi hesho.sidookale Hogaamiyaha fiicani waxa uu dhisaa dhaqan hufan oo ku dayasho mudan ama wado u noqda dadka ka hooseeya.

Waxa uu dhisaa dhaqan nadiif ah,Dhaqan ku salaysan daacadnimo, karti, hufnaan, eex la’aan, run sheeg,wada shaqayn, hami, iyo hiigsi fog.

Gudoomiye sharmarke Axmed Muxumed Geele waa gudoomiye il-dheer, horusocod ah, aragti fog, Dacad ah, sidoo kalena u dhashay karti, aqoon, adkeysi leh oo ka caagan musuq-maasuq si uu u rumeeyo rajada bulshada , markaasi si wadanku u noqdo wadan horumara oo gaadha tartanka aduunku ugu jiro nolosha guusheeda.

Sidaas darteed waxaan maqaalkan u qoray ka dib markii aan arkay horumarka gudoomiye
sharmarke axmed muxumed uu gaadhsiyay shaqaalaha dawalada Somaliland.Gudoomiyaha H’yada shaqaalaha G.sharmarke Axmed Muxumed Geele waa hogaamiye da’yar oo soo nooleeyay cadaaladii luntay ee lagu qaadan jirey shaqaalaha dawlada waxa uu baabi’i yay habkii qabaa’ilka ahaa ee loo qaadan jirey shaqaalaha waxaana uu ka dhigay qaab cadaalad ah oo xaqsiinaya qofkasta oo wax bartay inuu ku shaqaysto Aqoontii uu soo bartay.

Si kastaba ha ahaatee maanta waxaa usoo baxay dhalinyarada iftiin kii cadaalada iyo xuquuqdii ka maqnayd ee qabiilka ku dhisnayd waxaan ku hanbalyaynayaa gudoomiyaha ku dhiiranaanta uu ku dhiiraday inuu xuquuq isku mid ah u sameeyo dhalinyarada shaqo laa’aantu hayso ee lagu tumanayay xuquuqdooda mudo aad udheer.

Intii aanu qaban xilkan Gudoomiye sharmarke axmed muxumed waxay tariikhdu ka marag
kacaysaa in ay hay’da shaqaaluhu ay ahayd meel musuq maasuq iyo cadaalad darado aafaysay isla markaana waxay ku suntanayd meel xuquuqda shaqo doonka lagu aaso. intii uu xilka hayay.

G.sharmaake waxa uu ku talaabsadey talaabooyin wax ku ool ah oo aan tusaale u soo qaadan karo 30-kii qof ee uu imtaxaanka kaga soo qaaday magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka sool iyo 23 arday ee uu jaamacada hargaysa ka qaaday imtaxaanka ayaa waxay u tahay tusaale fiican sida hagar laa’aanta ah ee uga qaaday imtaxaankaasi shaqo doonkaa dhalinyarta ah.

Maantana waxa uu bilaabay inuu madax taabasho ku sameeyo shaqaalaha dawlada oo uu
meesha ka saaro dad badan oo qaata lacagta mushaharka iyaga oo aan shaqaynin ama dalkaba aan joogin oo dhoofsan.
Taariikhduna way xusi doontaa waa guul usoo hooyatay shaqo doonkii Somaliland waana
cadaalad cad oo aan waxba lagu qarinayn oo lawada arkaayo run ahaantii waxaan aad ugu
hanbalyaynayaa madax waynaha qaranka somliland mudane muuse biixi cabdi oo si cad u garab istaagay islamarkaana u taageeray gudoomiyahu sida cadaalada ee uu ushaqaynayo markuu arkay taasi oo uu gudoomiyuhu ubaahnaa in si fiican loogu taageero gudoomiyaha go’aankaasi uu ka dhabeeyay in uu shaqaalaha madax taabasho ku sameeyo si cadaalad loogu helo shaqaalaha runtii anigu waxan u arkaa geesi go’aan leh oo ka dhabeeyay waxay dhalinyaradu ka sugaysay taariikhduna way qoraysaa.

Waa gudoomiyihii ugu horeyay ee soo bandhigay in uu wax ka qabanayo musuq maasuqa iyo
cadaalad darada shaqaalaha dawlada waana uu ka rumeeyay manta oo waan wada aragnaa.
Waa gudoomiye da’ yar oo aqoon yahan ah, taas oo daliil u ah in uu rabo inla helo shaqaale
aqoon iyo tayo leh oo adkeysi u leh jidka dheer ee loo marayo rumaynta rajada shaqaalaha.

Waana astaan mujinaysa in ay Gudoomiyaha ay ka go’antahay in uu wax muuqda oo cad u
qabto dhalinyarta shaqo doonka ah.
Igama aha guul-wadayn, muraad kalena kama lihi. Keliya maqaalkan dulucdiisu waa in aynu
sheegno qofkeenna wanaagsan, kuna faanno, qadarrinno inta uu nool yahay. Yaynaan weligeen ahaannin xabaalo-ammaan qofka dhinta u baroorta, inkirina halyeygu inta uu dunida joogo.

lasoco qaybHA danbe insha Allah…… ……… ……… ………
Alle ayaa Mahad Leh.

Qalinkii:Eng Abdirisak Yusuf Dahir.
(Suxufi Madax bananan).
abdirisak339@​gmail​.com.
Arooryomedia.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here