Hogaamiyaasha Kurdiyiinta oo shacabka Afrin ugu baaqay in ay Turkiga la dagaalamaan.

0
78
Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa duqeeyay saldhigyada YPG ee Waqooyiga Suuriya

Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ee gacanta ku haya magaalada Afrin ee Suuriya ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Turkiga.

Maamulka magaaladaasi ayaa waxay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan abaabul guud.

Ciidamada Turkiga ayaa maalinkii afraad wada duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta ku sugan magaalada Afrin ee wuqooyiga Suuriya ku taalla.

Turkiga ayaa bartilmaameedsanay saldhigyo ay leeyihiin kooxda Kurdiyiinta ee YPG.

Militariga Turkiga ayaa sheegay in ay ilaa 8 kiilo mitir dhanka wuqooyi u jiraan magaalada Afrin.

Dhanka kale Turkiga ayaa Mareykanka ku baraarujiyay in uu joojiyo taageerida uu siiyo Kurdiyiinta YPG ee Suuriya. Wuxuuna sare u sii qaaday duullaanka uu ku hayo malleeshiyada oo ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda YPG ay hubka Mareykanka ay ka hesho u adeegsato ciidammada gobolka Cafrin nadiifinaya.

Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.

Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.