Hogaamiyihii Samaynta Badnaa Geeska Afrika Meles Zenawi!!! Q1aad W/Q (Aqoonyahan-Rabiile )

0
52

Hogaamiyihii saamaynta badnaa (MALES ZENAWI) ee raacan jiray kitaabkii Leninism iyo Maoism wuxuu ina baray wuxuu ina badaa ka daran!!!!
Hogaamiye ZENAWI isaga oo marmasiiyo ka dhiganaya khatarta carro- edegaynta iyo suuqa xorta ahi ku leeyihiin nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka waxa uu bilowgii 2005th dalka Itoobiya ku soo rogay fikir dhaqaale oo la yidhaa dowlada horumarka (DEVELOPMENTAL STATE) oo uu ku ladhay fikirkiisii bulshada ee ahaa isbadelka dimoqraadiyada (DEMOCRATIC REVOLUTION).

Labadan fikir oo marka la isku soo xooriyo ay ujeedada dhabta ah ee ka dambaysaa ahayd in qowmiyad ama beel kaliya oo jeegaamaysan talada iyo Dhaqaalaha dalka gacanta ku dhigto. Waxaa halku dhig looga dhigay ka shaqaynta dhaqaalaha guud ee dalka (MACRO-ECONOMIC) sida:- kordhinta cashuuraha badeecada dibada ka soo gala dalka, dhismaha kaabayaasha iyo mashaariic shaqo abuur, iyo waliba talada dalka oo gacanta lagu hayo mudo dheer. Malez sida uu ku qoray buugg-jamaacadeedkiisii shahaadada labaad (MASTER DEGREE), Waxa uu soo jeediyay in talada dalku ay ku haboontahay jeegaan ka kooban qowmiyadaha ama beelaha muwaadiniinta ah (Pure Citizens) oo talada dalka haysa mudo dheer sidii xisbigii shaqaalaha ee dalka jabaan ka talinayay mudo 30 sanno ah dagaalkii labaad dunidu markii uu dhamaaday.

Fikradahan dalka itoobiya iyo geeskaba aadka looga necebyahay marka laga reebo xisbiga TPLF waxa uu hogaamiye ZENAWI ku fidiyay wadamo iyo maamulo ku yaal mandaqada geeska afrika sida JABUUTI iyo SOMALILAND. Zenawi oo ka faa’idaysanaya dagaalkii argagixisada ee geeska afrika iyo xaaladii xidh-xidhnaanta ee soomaalida (Building blocks) waxa uu ZENAWI fara gelin toos ah ku sameeyay dhulka soomalidaa gaar ahaan KOONFURTA SOOMALIYA halkaas oo ay ka dhaceen gabood falo ka dhan xuquuqda aadamaha waxa kale oo uu mu’aamaraad kula kacay dalka ERITREA oo uu ka dhigay dal go’doon kaga jira geeska, gobbolka iyo caalamka.

Xadhiga GEN.GABRE iyo asxaabtiisa iyo xaash-xaashka CABDIMALIK CALDOON iyo NICIIMO QORANE waxay astaan u yihiin in dalalka geesku ay qaateen in dimoqraadiyadu ay u tahay qiimayn-wadaag (shared values), iyo waliba in laga baxay cahdigii isku dul noolaanshaha. Waxaad qoslaysaa marka aad aragto ama daawato caruurtii dugsiga maamo malyuun oo maalin iyo habeen ku hadaaqaya KULMIYE XISBIGA HORUMARKA iyaga oo aan aqoon u lahayn halka uu fikirkaasi ka yimid iyo waliba dabaysha gil-gilaysa hadhaagii fikirkaa.

DHAMAAD QAYBTA: 1aad
©.Rabiile H.Abiib Elmi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.