INTEE AYEY GAADHSIISANTAHAY WADINIYADA SOOMAALIDU?

0
102

W/Q: CABDIRA`UUF XASAN ISMAACIIL(XIKMAAWI)

INFO@Arooryomedia.com

Umad kastaa iyada ayaa horamarisa qiimana u yeesha wadankeeda,dhaafisana qeyrkeed ama hoos marisa ,wayna  kala duwanyihin qaabka ay bulshooyinka caalamku mid kastaaba wadan jaceylku ugu abuuranyahay .

Soomaaliduna waxa ay ka mid tahay quurumaha kala duwan ee caalamkan eebe ku guud uumey ,siiyeyna wadan aad u balaadhan oo leh dhamaan waxa ay manta isku dilayaan bani`aadamku,hadaba waxa aan qormadan kooban kaga hadli doona ‘intee in leeg ayey gaadhsiisantahay wadan jacaylka qofka soomaaliga ah’.

Wadaniyada; waa arin ay ku kala duwan yihiin bulshada soomaalidu,waxaana laga yaaba in uu qofkastaa si gaar ah u yaqiinsanyahay, una garowsanyahay  masuuliyada ka saran wadankiisa,balse maaha soomaalidu qaar inta badan dareensan waxa loo yaqaano wadaniyada.

Tusaale hadaan soo qaato,dhalinyaradu waxa ay ka tahay 60% boqolkiiba bulshada soomaaliyeed ,haddaba marka aad adaroostid fikirka ay ka haystaan amma qiimaha uu u leeyahay wadankoogu waxa laga yaaba  in badan oo ka mid ah in uu uga qiimo badanyahay wadan shisheeye,waana sababta keentey in ay dhalinyaro badani nafahooda ku haligaan badaha iyo saxaraha,kuwaas oo hiigsanaya in ey gaadhaan wadan ay doonayeen in uu mar uun ku noolaado.

Sababta ugu weyn ee keentey in ay aaminaan da`yartu fikiiradaa khaldana,waxa weeye inta badan ma jirto maado ku saabsan wadaniyada taas oo lagu barbaariyo ilmaha soomaaliga sidaa daraadeed ayaanu wax qiimo ah oo weyn ug lahayn wadankoogu .

Dhankale hadaan eego waxa iyana daliil cad u ah in aaney soomaalidu lahayn,wax wad jeceyl ah,ruuxa mar walba bulshada masuulka u ah, kaas oo ah siyaasiga maalin walba baayacaya qayb ka mida dhulkiisa,waydaarsanayana  hanti iyo dhaldhalaal aduunyo oo uu helayo intaas uu xilka huwanyahay.

Gunaanadkii waxa aan ku soo afmeerayaa qoraalkeygan meerisyo ka mida maansada ‘dalkeygoow’ taas oo soo baxdey 28/2/2018 waxeyna leedahey sidan:-

  • Horta yaa dalkeygoow
  • Daacad adiga kuu oo
  • Daafici xaqaagoo
  • Dacawgaa ciyaayiyo
  • Dugaagaa gurxamayee
  • Iskukaa duldilayee
  • Doonaaya idilkood
  • Waxa daafta hoosiyo
  • Docda adiga kuu yaal
  • Iney duhur cad qaataan
  • Dabeetana u rooraan
  • Dabin ay xidhaaniyo
  • Daney iyagu leeyin
  • Intaasoo dakanato ah
  • Kii ka diir naxaaye
  • Dubaaqiis wadaninimo
  • Da`in ay ku weyneyd
  • Hadmuu dagalka imanoo
  • Duuflaalka baasiyo
  • Yur kaa odhan daalinka

 

  • Horta yaa dalkeygoow
  • Dhalaankaagi duufsadey
  • Darajada aad leediyo
  • Diidsiiyey midhahaa
  • Darafkaaga yaaliyo
  • Dahabkaaga buuxaa
  • Kuna falay dariiqaa
  • Geerida u dawgaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here