Isbaaro Sharci Darro Ah Oo Madaarka Hargeysa Ku Dhex-taalla, Xadiga Lacagta Laga Qaado Bulshada Iyo Qasnadaha Madow Ee Lagu Shubto.

0
46

Hargeysa: March 13,2018 (arooryomedia)-Madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal, ayaa ayaa dhexdiisa laga yagleelay isbaaro ama istab sharci darro ah, taasi oo ay lacag kaga qaataan gaadiidka gelaya gudaha madaarka Hargeysa.
Isbaaradan sharci darrada ah, ayaa waxa laga hirgeliyey gudaha madaarka xiligii dowladii Madaxweyne Siilaanyo ay talada dalka haysay, isla markaana uu Maxamuud xaashi Cabdi ahaa wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland..
Isbaaradan sharci darrada ah ee madaarka dhex-diisa laga sameeyey , ayaa la sheegey in sheer ku leeyahay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno ganacsate ah oo kale, kuwaas oo aanay noo suurogelin in aanu helno magacyadooda .
Dhanka kalene isbaaradan sharci darrada ah ee gudaha madaarka Hargeysa lagaga qadhaabsado, ayaa ah mid gaadiidka gelaya gudaha madaarka loogu jaro war-qad, isla markaana lagaga qaato lacag gaadhaysa midkiiba shan dollar, waa haddii uu gaadhigu gudaha madaarka ku jiro sadex saacadood, halka gaadhiga 30 daqiiqo ku jirana laga qaado hal dollar, iyadoo ay isbaaradan sharci darrada kasoo xarooto lacag cadad badan maalintiiba.
Geesta kalene Lacagta isbaaradan sharci darrada ah ee madaarka Hargeysa dhex-taal lagaga qaado Bulshada, ayaan ku dhicin gacanta dowladda, balse waxay ku dhac-daa qasnado kale oo aan si dhab ah loo ogayn cida masuulka ka ah.
Docda kalene waxa xusuus mudan in wakhtigii Dowladii Daahir Rayaale ay talada haysay aanay jirin isbaarada noocan ah ee lagu baadho bulshada, balse waxa la aasaasay xiligii uu wasiirka ahaa Maxamuud Xaashi.
Ugu dambayn isbaaradan aan sharciga ahayn isla markaana lacagta ka soo baxda aan qasnadda dawladda lagu shubin ayaa la eegayaa tallaabada ay ka qaadaan maamulka cusub ee hay’adda duulista iyo sidoo kale xukuumadda madaxwayne Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.