ISRA`IL OO SHEEEGTEY INEY DIB U FUREYSO SAFARADEEDI URDUN.

0
36
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionSafaaradda Israel ee dilku ka dhacay

Israel ayaa sheegtay in ay dib u furanayso safaaradeedii Urdun ay ku lahayd oo la xidhay ka dib markii askari ilaalo ka ahaa dilay qof u dhashay Urdun bishii Juulaay ee hore.

Hadalkani wuxuu soo baxay kadib markii Urdun sheegtay in Israel raali gelin ka bixisay dhacdadaa.

Af-hayeen u hadlay dawladda Urdun ayaa sheegay in Israel ay sidoo kale aqbasho in ay talaabo sharci ah ka qaado askarigii ilaalada ahaa ee wax dilay.

Dilku wuxu ka dhacay dhismaha safaaradda Israel ee magaalada Cammaan ku taalay.

Israeli yiintu waxay sheegeen in askariga ilaalada ahaa rasaasta furay markii la soo weeraray ka dib. Hase yeeshee dilkaasi wuxu dhaliyey is maandhaaf diblomaasiyadeed oo wayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.