Itoobiya Oo Sheegtey Iney Dishey 70 Dagaalyahan Oo Al Shabaab Ah.

0
128

Addis Ababa (AM):- Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeyn cirka oo ay ciidamadeeda ka fuliyeen meel ka mid ah Soomaaliya ay ku dileen ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabab.

Warkan oo ay baahisay warbaahinta dowladda Ethiopia taageerta ee Fana ee fadhigeeduyahay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ciidamada Ethiopia u fuliyeen si ay u fashiliyaan weerar ay al-shabab qorsheynaysayinay ku qaadaan guutada ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee AMISOM.

Warkan ayaa lagu sheegay in duqeynta sidoo kale lagu burburiyay laba gaadhi oo uu hub ugu rarnaa Al-shabab.

Idaacadda Fana ayaa soo xigatay Taliyaha ciidamada cirka ee Ethiopia General Yilma Merdassa, oo sheegay in duqeynta ay aheyd mid qorsheysneyd oo laga baaraan deggay, isla markaana 100% ujeedadii ay ka lahaayeen ay gaadheen.

Warkan lagu faahfaahin goobta iyo goorta uu weerarkan dhacay, mana jirto cid ka madaxbabaan Ethiopia oo xaqiijineysa.

Ethiopia ayaa qeyb ka ah dalalka ciidamada ku yaboohay howlgalka AMSIOM. Waxaana ay ka howlgalaan qeybta 3aad ee Gobolada Bay iyo Bakool.

Ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ayaan lagu aqoon baahinta weerarada ay u geystaan ama ay kala kulmaan maleeshiyada al-shabab ee Gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.