Itoobiya Oo U Qaraxi Shalay Askar Ciidankeeda U Xidhay.

0
97

Dowladda Itoobiya oo ka jawaabeysa qaraxii ka dhacay goob fagaare ah oo uu ka khudbeynaayay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa qaaday tallaabo xarig Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

12 Qof oo 9 ka mid ay yihiin Saraakiil ciidan iyo saddex qof oo shacab ah, ayaa xabsiga la dhigay sida ay shaacisay Warbaahinta dalka Itoobiya.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtay goobtii qaraxa. Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shalay lala beegsadey isu soo bax uu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Dowladda oo qaadeysa tallaabooyin dheeri ah oo ku aadan waxa dhacay ayaa sidoo kale hawada ka saartay Tv-yo dhawr ah oo ka hawlgalaayay dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay Taliye ku xigeenkii Ciidanka Booliska dalka Itoobiya, waxaana dhamaan Saraakiishaan lagu eedeynayaa inay ka hortagi waayeen falka qaraxa ah ee ka dhacay goobtii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaare Abiy.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sidoo kale booqday Isbitaalo la dhigay dadkii dhaawacyada kala duwan ka soo gaaray qaraxii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, kuwaasi oo qaarkood xaaladooda aysan wanaagsaneyn.

Warbaahinta ayaa si wayn u hadal haysa isku dayga dil ee uu ka badbaaday Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.