“Itoobiyaha Heshiiska Dekada Berbera Laba Mar Ma Gali Karto..” Wasiirka Warfaafinta Somaliland + [Muuqaal]

0
36

Hargeysa (Arooryommedia):- Somaliland oo markii ugu horeysay ka  hadashay heshiiskii dhawaan Muqdisho ay ku gaadheen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegtay in heshiiskaasi aanu quseyn iyaga.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo la hadlay Laanta VOA ayaa sheegay in heshiiskaas aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin dhinacooda madaama ayuu sheegay Soomaaliya iyo Somaliland oo ah laba dal oo kala madax-bannaan inay yihiin.

 

Wasiirka ayaa meesha saaray in Dekedaha heshiiska ku jira ee la wadda maal-gashanayo aysan ka mid aheyd dekedda Berbera oo sida uu sheegay horeyba loogu heshiiyay saami-qeybsigeeda.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.