Jubaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisey Qaar Ka Mida Askareeda.

0
134

Maxkamadda Ciidamada maamul goboleedka Jubbland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay saddex askari oo labo ka mid ah ay horay u dileen askar, halka midka kalena uu dilay xaaskiisa.

Saddexdan askari ayaa dhowaan ay xukun dil ku ridday Maxkamadda Ciidamada Jubbaland, kaddib markii marqaati iyo caddeymo la horkeenay, waxaana maxkamadeyntooda ay soo jiitameysay muddo bilooyin ah.

Askarta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabayay C/llaahi Asad Ismaaciil oo horay u dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Muxubo Maxamed Guure, halka labada kale lagu kala magacaabi jiray C/rashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland iyo ehelada qoysaskii laga dilay ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha raggan dilka toogashada ah lagu fuliyay.

Dadweynaha reer Kismaayo ayaa aad u hadal hayay dilka toogasho ee lagu fuliyay askartan, waxaana mid ka mid ah kiiskiisa uu ahaa mid saameyn ku yeeshay bulshada deegaanka, markii uu xaaskiisa uu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.