Ka Dheeraw Isticmaalka Badan Ee Dawooyinka Antibiotic-Ka Ah & Halista Caafimaadka U Leeyihiin !

0
44

Waxa jira dad badan oo aad u isticmaala Dawooyinka Antibiotic-ka ah kuwaasi iska cuna xilli walba isla markaana aan kala tashanin dhakhtarka.

Khubarada Adduunka ee ka faalooda arrimaha caafimaadka ayaa waxay ku tilmaameen caadaysiga isticmaalka Dawooyinka Antibiotic-ka ah inay yihiin aafo baabiinaysa Dadka isla markaana ay halis  ku yihiin Caafimaadka qofka.

Warbixin lagu soo bandhigay Wargeyka Daily Mail oo Wargeyska himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu sheegay inay dhakhaatiirtu caadaysteen inay dadka bukaanka ah ee u yimaada u qoraan dawooyinkaasi arrintaasi oo ah arrin soo jirtay qarniyo badan.

Khubaro ka tirsan jaamacada Basel  ee Dalka Switzerland ayaa waxay xaqiijiyeen in isticmaalka xad dhaafka ah ee dawooyinka noocaasi oo kale ahi ay dilaan unugyada difaaca jidhka, haddii uu qofku isticmaalo xilliyada aanu jidhkiisu u baahnayn.

Mr Marker Basler oo ka mid ah khubarada soo diyaarisay deraasaddani ayaa waxa uu yihi “Arrintaasi waa halis waxaana laga yaabaa inay sababto xanuunada sida shuban biyoodka iyo sidoo kale Infection-ka ku dhaca Sambabada”.

Deraasaddani waxay digniin u tahay dadka sida xad dhaafka ah u isticmaala dawooyinkaasi oo qaar ka mid ahi ay ku qaataan jeebadaha una cunaan sida nacnaca iyo nabaadka oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.